Post View....

Odayaasha Cadaado oo diiday ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

0
111

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga qaban qaabada shir-weynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmuudg iyo Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sidii Odayaasha Cadaado uga qeyb geli lahaayeen Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Magalada Dhuusamareeb iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

In kastoo Saxaafadda ay kulankaasi dibad-joog ka aheyd ayaa waxaa Wararka la helayo ay sheegayaan in Odayaasha Cadaado ay Guddiga u sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan Shirka dib u heshiisiinta ee Magalada Dhuusamareeb.

Sababaha ay ku diideen ka qeyb galka shirka Odayaasha Cadaado ayaa waxa lagu sheegay inay guddiga u gudbiyeen in shirkaasi ay doonayaan in lagu qabto Magalada Cadaado,isla markaana ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyow) ay Odayaasha Dhaqanka u sheegeen in Go’aankooda u gudbin doonaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq iyo gaalkacyo, waxaana  dhammaan deegaannadii ay tageen waxgaradka ku nool ay la wadaageen qorshaha ay wadaan.

About Author