Post View....

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo cambaareeyay Weerarkii argagixiso ee kadhacay Kismayo.

0
103

Muqdisho:- Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarki argagixso ee lagu qaaday Hotel ku yaala magaalada Kismayo ee koonfurta Soomaaliya, weerarkaas oo lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan kuwo kalena uu dhaawacyo ka soo gaaray.

Wakiilka ayaa si naxariis leh ugu tacsiyeeyay qoysaskii iyo dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarki arxan darada ahaa. Waxaa uu sidoo kale caafimaad buuxa u rajeeyay dadkii ay dhaawacyadu ka soo gareen weererka.

Kani waxaa uu ahaa weerar lagu baabinayo horumarka Soomaaliya xili uu dalku dib u dhismayo horumarna laga samaynayo amaanka iyo nabada. Dadka weerarka soo qaaday waxaa ay ahaayeen kuwo lahaa ahadaaf guracan oo lagu gaysanayo fal dambiyeedyo, dilal iyo burbur. Ma sheegan karaan in ay u dagaalamayaan in dalka ay dowlad wanaagsan u horseedaan.

Somalia ayaa horumar balaaran ka samaysay qabsahada dhul badan iyo in argagixisada laga saaro meelo badan guud ahaan dalka. Howlagalka midowga Afrika ee AMISOM waxaa uu sii wadi doonaa taageerada hay’adaha amaanka ee Soomaaliya ayaga oo wali sii wada howlaha ka xoraynta argagixisada dhulka haatan gacantooda ku jira.

Anaga oo ku samrayna weerarkan, waxaan rabaa in aan ka mahadceliyo dhabar adayga dadka Soomaaliyeed ayaga oo uga falcelinaya weererkan howlkarnimo iyo in ay sii wadaan dadaalka ay ku dhisayaaan naftooda iyo dalkooda. AMISOM waxaa ay la shaqayn doontaa dowladda fadaraalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo beesha caalamka sidii dabagal loogu samayn lahaa dabiilayaashii falkan gaystayna cadaadaladana loo horkeeni lahaa.

About Author