Post View....

Guddoomiyaha G/Banaadir oo daah-furay wejiga labaad ee Ololaha IsXilQaan ee Nadaafada Caasimadda+Sawirro

0
125

Muqdisho:-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in la bilaabayo wajiga labaad ee olole nadaafadeedka labo biloodlaha ah ee IsxilQaan, isla markaana 17ka degmo ee Caasimadda mid walba loo shaqaaleysiinayo 179 qof iyo agabkooda oo dhameystiran.

Guddoomiye Yarisow ayaa xusay in qorshahani uu wax badan ka badalayo fayo-dhowrka iyo nadaafadda, si loo helo magaalo nadiif ahna ay lagama maarmaan tahay shaqaale cusub oo howshan gacan ka geysta.

“Waxaan maanta xarunta Degmada Wadajir ku daahfurnay wejiga labaad ee Ololaha IsXilQaan ee Nadaafada oo aan bilownay Qorshe 2 bilood 7 degmo u shaqaaleysiinay 179 degmo walba iyo agabkii Nadaafada oo si joogta ah loogula xisaabtamayo”

Sidoo kale Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa faray maamullada Degmooyinka iyagoo kaashanaya shacabka in ay dardargeliyaan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey.

About Author