Post View....

Dhul-Gariir Burburiyey Kaniisado Oo Ka Dhacay Filibiin

0
125

Dhul-gariir aad u xoog badnaa ayaa la sheegay inuu ruxay qeybo ka mdi ah Koonfurta dalkaasi, iyadoo ay ugu yaraan 25 qof oo Tuullo-joog ahaa ku dhaawacmeen. Dhul-gariirkaasi oo cabirkiisa 5.5 Halbeegga Dhul-gariirka ayaa waxa uu burburiyey 2 Kaniisad, dhowr guri, Xarun Dab-damin iyo Suuq. Hadal ka soo baxay Hay’adda Ka-hortagga
Masiibooyinka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in 2 Kaniisad oo ku kala yaalla Degmooyinka Karmen iyoLanuza uu soo garaay burbur xooggan.

Dalka filibiin waxa uu ka mid yahay dalalka ay inta badan ka dhacaan Dhul-gariirka, iyadoo dhul-gariir ka dhacay Waqooyiga dalkaasi sannadkii 1990-kii ay ku geeriyoodeen ku-dhawaad 2,000 oo qof.Kooxaha Gurmadka ayaa loo daad-gureeyey si ay u tagaeeraan dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

About Author