Post View....

Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh

0
126

Warar kaoo baxaya Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaan hoostaga Degmada Warsheekh ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas uu ku Rogmaday gaari kuwa Xamuulka qaada ah. Gaarigaas Rogmaday ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa nooca Soomaalida u taqaano TII AM,kaasi oo kasoo ambabaxay Magaalada Muqdisho,waxaana uu gadoomay xili uu marayay Tuuladda lagu magacaabo Gumaroow oo hoostagta Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shilkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii gaariga saarnaa,waxana halkaas ku dhintay hal ruux,sidoo kalena 6 qof ay ku dhaawacmeen. Goobta uu gaariga ku Rogmaday ayaa waxaa gaaray dadka deegaanka,kuwaasi gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay,waxaana dadka dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho si loogu daaweyo. Si kastaba gaariga Rogmaday oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano TII AM-ka ayaa waxaa uu waday Allaab iyo Bagaash noocyado kala duwan ah oo u rarnaa dad ganacsato ah,isla markaana waxaa uu kusii jeeday Deegaanka Masegawaa oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

About Author