Post View....

Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

0
118

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaasi ayaa waxaa uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,waxaana qaraxa uu qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo yimid dhanka Degmada Wala-weyn,kaasi oo Caano u soo waday Magaalada Muqdisho,hayeeshee uu haleelay.

Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa waxaa saarnaa 10 ruux  oo laba kamid ah ay ahaayeen Darawalkii waday Gaarigaas iyo kirishboygii la socday,iyagoona gebi ahaan qaraxaas ku geeriyooday,waxaana mid kamid ah dadkaas dhaawac soo gaaray uu u dhintay sida uu xaqiijiyay maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay VOA-da  ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Sidoo kale Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in xiliga qaraxa uu dhacaayay wadada ay kusoo socdaalayeen gaadiid dhuxul siday,waxaana wadada u dhexeeya Wala-weyn iyo Afgooye soo marsiinayay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya,hayeeshee gaariga ay la socdeen dadka shacab ahaa uu wadada uga soo horeeyay.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu tilmaamay in qaraxas la doonayay in lala eegto gaadidka dhuxusha siday iyo kuwa Ciidamada dowladda.

Mararka qaar ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxaa qaraxyo kala duwan lagula eegtaa Wadada u dhexeeya Degmada Afgooye iyo Magalaada Muqdisho,isla markaana waxaa ka dhasha Khasaarooyin kala duwan,waxaana Mas’uuliyooda sheegta Al-shabaab.

About Author