Post View....

Guddoonka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan Yeeshay

0
120

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan wadajir ah ku yeeshay Guddiyadda Joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir u Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale madasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ku-xigeenada labada Guddoomiye ee Baarlamaanka Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari, waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Dhawaan ayay aheyd markii xal buuxa laga gaaray Khilaaf in muddo ah ka dhex jiray labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoona sheegay inay si wadajir ah uwada shaqeyn doonaan.

About Author