Post View....

Sanad guuradii 42-aad ee xornimada Jabuuti oo lagu qabtay Holland

0
118

Afar tan iyo laba sanad guuradii ka soo waraegtay xoriyada wadanka jabuuti ayaa waxaa lugu qabtay dalka hollan ee magalada Utrecht

Waxaa munaasibadasi xafaladasi ah kasoo qeybgalay jaliyada dalka jabuuti, iyo masuuliyiin ka socotay safarada jabuuti ee dalka biljimka ay kuleyihiin oo horkacayay maxmed burhaan .

Waxaa kaloo musibadsi kasoo qeybgalay jaliyada soomalida ee dalka hollan oo u horkacayay wafuudaasi dr cabdulqadir cali nuune oo ah gudoomaiyaha jaliyada soomalida ee dalka hollan gar ahaan magalada zwolla iyo nawaxigeyda iyo korneel cabdulaahi ciisa oo, asagna kamid ahaa korneeladii cidamada xooga dalka soomaliya iyo suldaan xalane .

Waxaa halkasi qudbado qiima badan ka soo jeediyay madaxdii safarada Jabuuti ee dalka Biljimka ka soo kicitimeen si ula qataan waqti jaliyada jabuuti ee kunool dalka hollan.

Waxaa halkaasi sugan aad u qiimo badan oo kahadleysa malinta xoriyada dalka jabuuti ku soo ban dhigay fananka dada yar cabdulqadir ee jey asagoona ka soo baqoolay dalka UK si uula dabaal daga munaasibada 42 labasana guurada markey kaxorooben gumeystihi faransiiska oo xooga kuqabsaday dhulka jabuuti,

Waxaa halkasi qudbadooyin aad u qiima badan oo dhamantoodba ka hadlayay qimaha qaraninimada ka soo jeediyay madaxdii soo gareen munasibadasi xoriyada jabuuti loogu dabal dagayay.

Waxaa Ayaduna ka soo qeyb galay munasibadasi jaaliyada soomaliland ayaa ka mid aheed jaaliyadihii lugu casuumay munasibadaasi sidoo kale waxaa goobtaasi ka muuqday ciyaar dhaqameed ay ku soo bandhigiin cafarta reer jabuuti ee ku nool dalka Holland.

Dhaman qudbadaha ay soo jediyeen masuuliyinta kasoo qeybgaleen sanad gurada malinta xoriyada ee hambalyo hawada umariyeen madaxweynaha dalka jabuuti cusmaaciil cumar geela iyo marwadiisa 1aad iyo cidanka xooga dalka jabuuti oo ah ayaguna kuwa habeeyn iyo malin utaagan difaca cida iyo calanka jabuuti oo aan marnaba ogolaan in taka kamid ah dhulka jabuuti.

About Author