Post View....

Guddiga doorashooyinka oo kormeer aan caadi aheyn ku tegay xarumaha mid ka mid ah xisbiyada siyaasadda

0
99

Xarunta Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa maanta booqday guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madaxda iyo xubno ka tirsan xisbigaasi.

Ujeedada kormeerka guddiga doorashooyinka ayaa la xariirtay howlaha xisbiga uu hayo, iyadoona guddigu weydiiyeen su’aalo dhowr ah oo ku saabsan Xarunta Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya.

Xoghayaha xisbigaasi  Ibraahim Maxamed Arbow oo guddigu si toos ah u weydiinayeen su’aalaha ayaa waxaa ka mid ahaa arrimihii la weydiiyay qaabka uu ku howlgalo, inuu guddiga tusiyo caddeymo la xariira xubnaha xisbiga, tababarada ay heleen, xiriir ay la leeyihiin ururrada caalamiga ah, qalabka ay ku howlgalaan iyo arrimo kale.

Guddiga doorashooyinka ayaa ammaanay Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya, iyagoona ku dhiirigeliyay inay sii kordhiyaan howlahooda, isla markaana gobolada dalka ay xarumo ka furan laamaha xisbigaasi.

Markii uu soo gabagaboobay su’aalaha ay guddigu weydiinayeen xoghaye Arbow waxaa halkaasi khudbad gaaban ka jeediyay Jaha Ibraahim Xasan oo ah wakiilka Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya, isagoona sheegay in booqashada guddiga ay tahay tababar ay dhinacooda siiyeen, taasi oo uu sheegay inay imaatinkooda ay wax badan ka kororsadeen.

Dhinaca kale Xarunta Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee ay booqday guddiga doorashooyinka oo iyagu bilaabay kormeeridda xafiisyada faraha badan ee ay leeyihiin xisbiyasadda siyaasadda dalka.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

About Author