Post View....

RW Ku-Xigeenka Soomaaliya iyo Danjire Daariq Bakhiit oo Ku Kulmay Magaalada Muqdisho

0
104

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka (OIC) ee Arrimaha Bini’aadminimada, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, Danjire Daariq Cali Bakhiit.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka ee Arrimaha Bini’aadminimada, Dhaqanka iyo Arrimaha bulshada, ayaa looga hadlay xaaladda dalka iyo taageerada joogtada ah ee OIC ay siiso dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa Danjire Daariq Cali Bakhiit ka guddoomay warqad uu madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uga siday xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Axmad Al Cuthaymiin.

About Author