Post View....

SAWIRO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxda Puntland

0
107

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magalada garoowe ayaa xalay kulan waxa uu la qaatay Madaxweynaha dowlad goboledka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweyne kuxigeenka Puntland,Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxay Iska Xog-Wareysteen Xaalada guud ee dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah iyo dowladda dhexe.

Ugu horeynti Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland  Siciid Cabdullaho Deni ayaa ugu Mahad Celiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Iyo Wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Puntland isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaaramay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxdooda in ay kusii fikiraan Sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii balaaran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.

About Author