Post View....

Kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi Ka Socda Ururka Iskaashiga Islaamka

0
122

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka oo shalay subax oo Axad ahayd soo gaaray Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray iskaashiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageeridda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalanka argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.

Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gobolka iyo dunida inteeda kale.

About Author