Post View....

Rag hubeysan oo dil iyo xarig loogu geystay Magalada Muqdisho

0
109

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah rag hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deyniile.

Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga.

Eng.Yariisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.

“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaanka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

About Author