Post View....

Dad loo qabtay qaraxyo ka dhacay Magalada Dhuusamareeb

0
109

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu soo qab qabtay dad farabadan,hayeeshee sigaar ah ay baaritaano ugu socdaan lab Ruux oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliska Booliska degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay wadeen howlgallada ay fashiliyeen ilaa laba qarax,sidoo kalena ay wadaan baaritaano kale oo ku aadan sugida amniga iyo sidoo looga hortegi lahaa falal amnidarro oo ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Magalada Dhuusamareeb shalay Barqadii waxaa ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ah uu geystay dhimashada hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo dhaawaca Saddex kale halka midka kale ay Ciidamada qarxiyeen, kaas oo lagu qariyey qasac lagu keeno Caana-Booraha,sida ay sheegeen Hay’adaha Amniga Magalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Magalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Difaaca dalka Qatar, iyada oo ku howlan dhisida Ciidamadii Ahlusunna ee ku biiray Dowladda Federaalka.

About Author