Post View....

Wadadii Caanka Aheyd ee Gen. Daa’uud oo la Dhisay!

0
105

Neef weyn ayaa la soo fuqday bulshada ku dhaqan agagaaraha wadada Gen. Daa’uud, farxad ayay dadku ku soo dhaweeyeen dhismaha jidkaasi, Hambalyo iyo Duco ayay u direen Maamulkii hirgaliyay qurxinta wadadaasi.

Ku dhawaad 30-sanno ayay wadadaasi bur-bursaneyd, looma Xiisi jirin Marida jidkaasi, jajab & Murqo xannuun ayaa lagala kulmi jiray, nasiib wanaag maanta waa lagu raaxeysanayaa isticmaalka wadadaasi Macruufka ah!

Boqollaal ka mid ah dadka Deegaanka ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay dayactirka lagu sameeyay wadadaasi, Iyaga oo sheegay haddii la hagaajiyay Jidkii inay lagama maar-maan tahay in la soo celiyo Dugsigii Hoose/Dhexe & Sare ee Generaal Daa’uud.

Xamar_Horey_ayuu_u_Socdaa!

Shiiqaalow

About Author