Post View....

KHAYRIHII LA MAHADIYAY DHISAHA QARANKA SOOMAALIYEED

0
127

Nin waliba taariikhdaa qoraysa doorka uu ka qaato dhismaha iyo difaaca dalkiisa hooyo. Nin dumiya,nin hakarada, nin khiyaama, nin shisheeye u looga dalkiisa, nin beeciya oo gada dalkiisa, iyo nin dhisa,nin difaaca, nin dawladnimada adkeeya, Adeer nin waliba wuxuu yahay oo ka galay taariikh dalkiisa waa mid meel u taal oo laga qoraayo laguna xasuusan doono hada iyo mustaqbalkaba.
Mudane Raysal wasaare Xasan Cali KHayre  waa nin dhalin yaro ah,leh aqoon iyo waayo aragnimo shaqo maamul iyo maarayn. Waa nin leh karti iyo hufnaan buuxda oo shaqo. waa geesi waana wadani ah Soomaali oo ka dheer waxa soomaali la haray ee ah qabyaalada.
Waa nin ay aduunyada iyo dunida horumartay ay siiyaan tixgalin aad u heer saraysa maadaama ay fahan san yihiin hawlkarnimadiisa iyo shaqada uu u hayo dalkiisa oo uu kasoo saaray god dheer heerna soo gaarsiiyay, marag ma doonto weeye taariikhda Soomaaliya hore uma dhicin Raysal wasaare la karti iyo wadaniyad ah KHayre.
Waa dal dhis leh mabda adag oo dalkiisa u tafaxaytay sidii uu uga saari lahaa,kala qoqobka, qabyaalada, farqriga, dawlad la aanta iyo magac xumada. waa nin Qaran oo aragti dheer leh ninkastoo isku dayaa in uu xaqiro ama xaasido macno ma samaynayso maadaama loo wada jeedo wax qabadkiisa iyo wadaniyadiisa xadka dhaaftay.
Khayre waxa uu isu keenay akhyaartii Galmudug isagoo hiil iyo hooba la garabtaagan in shacabka daaganadaasi dhistaan maamul la shaqeeya dawlada si soomaaliya u difaacato xuduudeeda,bad iyo bari iyo cirba. Dalka soomaaliya waa hal dal iyo hal dad leh hal calan leh hal caasimad leh hal madaxweeyne sida aduunka ama ay shalayba soomaaliya ahaan jirtay.
Shacabka quruxda badan ee wadaniyiinta ah ee dagan Galmudug waxay la qaateen raysal wasaarahooda in ay maal iyo nafba ku bixinayaan in dalkeena soomaaliya lagu soo dabaalo amaan iyo dawladnimo iyo kala danbayn oo la helo dawlad soomaaliyeed oo dalka hanata. waxayna balan qaadeen in ay dawlada si buuxda u garab istaagayaan. waxaa shacabka soomaaliyeed oo dhami ogaadeen in aysan anfacayn umada soomaaliyeed waxaan ahayn dawladnimo iyo soomaalinimo. dadkaani waa kasoo daaleen burbur iyo colaado sokeeye imasaa wiilal inooga dhintay macno la aan? kuwaas oo difaaci lahaa dhisi lahaa dalkeena hooyo soomaaliya.
Raysalwasaar Khayre waxa uu Magaalada Dhuusomareeb isugu keenay beesha calaamka,si ay utaageeraan wanaaga iyo nabada iyo wada jirka ay wadaan shacabka soomaaliyeed ee Galmudug oo u istaagay in ay dalkooda bad baadiyaan dawladnimadana dhankooda xoojiyaan taasoo caalamku la dhacay soona dhaweeyay,balana qaaday haday sidaa yeelaan in caalamku dalka soomaaliya iyo dawlada soomaaliya siinaayo taageero xoogleh oo dhanwalba.
Guushaa waxaa iska leh Raysal wasaare Khayre iyo akhyaarta Galmudug shacab iyo maamulba waana mahad sanyihiin. Dalkeenu uuma baahna madaxweynayaal nin walbaa iska dhigaayo dawlad sida SOMALILAND iyo PUNTLAND iyo JUBALAND oo iska dhigaaya sidii iyagoo dalka ka ah dawladii dhexe ee fadaraalka!! ama iska dhigaaya dawlado jira oo leh madaxweynayaal taasoo ceeb iyo qaran dumisnimo heerkii u xumaa ah. waxay ku doodeen fadaraal ayaan rabnaa hadana fadaraalkii dawladiisii dhexe wayba ka madax banaan yihiin suaashu waxaa weeye maxay hadaba maamulaysaa dawlada dhexe ee fadaraalku?
Fikirkaan fadaraalka awlaba Ehtiopia Tigreegii dhacay ayaa keenay oo usoo dhiibay Puntland si uu dalka soomaaliya uuga dhigo dawlado yar yar oo qabiil ku dhisan oo aan waligood isu imaan nin walibana ku doodo yaan lay fara galin dawlad baan ahay ee.
Dalkeenu uuma baahna fikirkaa cadawgu keenay. dhalinyarada soomaaliyeed  koonfur iyo waqooyi iyo gobolada dhexe iyo bari intuba waxay taageer san yihiin si buuxda dawlada soomaaliyeed iyo Raysal wasaare khayre. Dhalin yarada wadaniga ah waxaad ku garataan oo markhaati ma doonta ah, markii uu Khayre ka furay garoonka kubada cagta koonfurta Gaalkacayo waxaa ku faraxay oo si kal iyo laab ah usoo dhaweeyay dhalinyarada magaalada Gaalkacayo koonfur iyo dhankeeda waqooyi labadaba isku si.
Kadibna markii uu usoo gudbay dhanka waqooyiga Gaalkacayo wuxuu sidii si lamid ah u furay taageero garoon ciyaareed dhanka koonfurta Gaalkacayo way ku faraxeen soona dhaweeyeen.halkaa waxaad ka fahmaysaa in dhalinyarada soomaaliyeed baraarugeen rabaana dawladnimo iyagoo iska xoraynaaya fikirka qabyaalada ah ee lagu gumaystay laguna kala qaybiyay iyagoo ah dad walaalo ah oo soomaali ah.
Dhalinyaradu waxay rabaan sharaf iyo dawladnimo si ay ula tartamaan dalalka aduunka. sidaa daraadeed waxay diyaar u yihiin in ay u dhintaan dalkooda dhistaana mustaqbalkooda dalkana lawareegaan. waxayna heleen Raysalwasaare wadani ah oo dhalinyaro ah oo caawinaaya lana fikir ah iyaga. waxaa guul ah in dhalin yaradu iska difaaceen weerarkii uuga yimid DANI oo damcay in uu caburiyo dhalinyada iyo wadaniyiinta isagoo diidan in ay ka xoroobaan oo dawladnimo dareemaan taasoo an ahayn danta DANI iyo kuwa la nooca ah ah wataan.
Dhalinyaradu waxay ogaadeen in aysan dan ahayn dal kaliya oo leh dhawr calan iyo dhawr madaxweeyne taasoo lagu halaagaayo mustaqbalkooda iyo sharafkooda facoodna laga reebaayo. shacabka soomaaliyeed waa bislaaday dawladnimo ayuu rabaa maxaa yeelay wuxuu helay madax wadaniyiin ah oo daacad ah oo dalka dhisaaya. waana in dhalin yaradu qortaan ciidanka si ay u edbiyaan cadawga gudaha xuduudadana usugaan wataa dawladnimadu.
Shacabka soomaaliyeed waxa uu taageerayaa hawlaha uu dalka ka wado raysasal wasaare khayre waxa uuna garabtaagan yahay dal iyo dibadba dawlada soomaaliyeed ee dalka dhisaysa. maamulkastaa waa in uu ku shaqeeyaa awaamiirta iyo qorshaha dawlada fadaraalka ah ee dhexe, haduuse yiraahdo waan ka madax banaanahay oo anaa dawlad iska u ah taasi macnaheedu waxaa weeye dawlad soomaaliyeed oo fadaraal ah oo dhexe majirto weeye hade taasna lama aqbali karo waana danbi keeni kara xarig.
Waad wada aragtaan Ethiopia in Gobolkii ahmaara uu raysal wasaaraha Ehtiopia  umagacaabay lataliyihiisii cid ka hadayshayna malaha, maxaayeelay dawlada dhexe ee Ehtiopia ayaa u aragta xal dadkeeda iyo dalkeeda maadama ay tahay masuulka guud ee qaranka. aduunyada majirto gobol kamid ah dawlad fadaraal ah oo u dhaqma qaab dawladeed oo kale kana madaxbanaan dawlada ay  kamidka yihiin ee xubinta ka yihiin. hadaba way dhamaatay xiligii danayste iyo QABIIL QUUTE ay dadka gumaystaan xorta ah ee soomaaliyeed.
QABIIL QUUTE waa qofka aan ku kalsoonayn naftiisa,oo aan shaqaysan karin shilin xalaal ah,laakiin kunool qabyaalad iyo qabiil. waa qof u jilicsan gumaysiga oo lacag dhaafsada dadkiisa iyo dalkiisa. waa qof ka doorbiday in dawlad soomaaliyeed la helo in uu jifo ahaan u haysto maamulyar oo beeshiisa. QABIIL QUUTE dawlad soomaaliyed oo dadkoo dhan simaysa oo dalka oo dhan xukunta waa ka soo horjeedaa maxaayeelay isaga iyo jifadiisu waxay luminayaan waxay haysteen dawlad la aanta. markaa dawlad marabaan QABIIL QUUTAYAAL. Laakiin hada xiligoodii waa dhamaaday oo waxaa nimankii kusoo baxay QARAN QUUTE oo wata shacabkii soomaaliyeed oo dhan oo raba dawladnimo iyo soomaalinimo oo kaliya hadaba iyagu waa QARAN QUUTAYAAL.
Gabalkiis waa dhacay QABIIL QUUTE maxaayeelay jifadiisa oo kaliya unbaa taagersan kuwaas oo ku haysta lacagtaa xaaranta ah oo ay helaan kadibna iyaga uun qaybsadaan tan iyo intaynu ahayn dawlad la aanta markaa iyagu waa QABIIL QUUTAYAAL Halka madaxweynahoodu kayahay QABIIL QUUTE. Aad iyo aad baanu uugu mahad celinaynaa dadaalka raysalwasaaraheena khayre waana ku kalsoonahay oo garabtaaganahay si dalkeenu u helo nabad iyo nolol iyo dawladnimo buuxda oo dalka hanata taasoo aanu hayno tubteedii. waxaan xusayaa bulshada reer Galmudug dulqaadka soomaalinimada iyo wanaaga ay muujiyeen oo dalkeena soomaaliya ay u hiilinayaan.
Yusuf Omar

About Author