Post View....

In ka badan 25 xisbi siyaasadeed oo war culus soo saaray

0
92

In Ka Badan 25 Xisbi Siyaasaeed Oo Ah Xisbiyada Dalka Ka Diiwaan Gashay Ayaa Maanta Kulan Ku Yeeshay Muqdisho Iyagoo Ka Hadlay Kana Dooday Qabsoomida Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah Oo Dalka Ka Dhacda Sanada 2020-2021.

Dood Iyo Falaanqeyn Ka Dib Waxa Ay Xisbiyada Isku Raaceen Kana Soo Saareen Kulan Qoddobadan
Xisbiyada siyaasada Dalka Waxay Cadeenayaan In Ay Diyaar U Yihiin Qabd=soomida Doorasho Dalka Ka Dhacda Wakhtigeedii Oo Ah 2020 -2021
Xisbiyada Siyaasada Dalka Waxay Wax Aad Looga Xumaado ku Tilmaameen In Maanta Laga Hadlo Xeerkii Dalku Doorasho ku Gali Lahaa Kaasoo Ceeb Ku Ah Xukuumada Hada Jirta
Xisbiyadu Waxay Cadeeyeen In Xeerkii Doorashada Ee Ay Wazaarada Arimaha Gudaha Kala Tashatay Xisbiyada Xisbiyaduna Ku Dareen Aragtiyayadoodii In Aaney Garaneyn Meel Uu Maray
Xisbiyada Siyaasada Dlka Waxay Soo Dhaweeyeen Gudiga Baarlamaanteriyaanka Ah Ee Uu Baarlamaanka Magacaabay Xeer Doorashooyinka Iyagoo Ka Codaday Gudiga Iyo Baarlamaankaba In La Dedejiyo Xeerka Doorashooyinka Dalka Xisbiyadana Ay Arimo Badan Uga Xeranyihiin
Xisbiyada manta kulanka yeeshay oo Akhrin iyo falaanqeyn ku sameeyey xeerka doorashooyinka Ay xukuumada baarlamaanka u gudbisay ayaa gabi ahaanba ku tilmaamay Mid Loo Nisbeyn Karo Xeer Doorasho Madax Banaan Oo Dalka Ka Dhacda Haga Iyagoona Sheegay In UuMeel Ku Dhac Ku yahay Jiritaanka Hanaanka Doorasho Ee Dalku Go’aansaday Iyo Sida Uu U Qoranyahay
Ugu Dambeytii Aya Xisbiyadu Waxay Cadeeyeen In Aynay Aqbalaynin Mar Marsiyo Kasto Oo Lagu xagal Daaciyo Doorasho Madaxbanaan Oo Dalka Ka Dhacdo Iyagoona Hogaanka Dalka Ugu Baaqay In Aanay Ka Leexan Wixi Loo Idmaday Oo Lagu Doortay.

About Author