Post View....

Falanqeynta Buug-sheekeedka Gaso, Ganuun iyo Gasiin

0
139

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

Gaso, Ganuun iyo Gasiin, Waa buug-sheekeed u qoran hab caalamiya oo aan hore sidiisa oo kale loogu qorin Afkeenna ama far soomaaliba. Waa mid ku cusub inta wax ku aqrisa Soomaaliga iyo luqado kaleba.

Sheeko xariirtaan Gaso, waxaa qoray Prof.Cali Jimcaale Axmed oo ah aqoonyahan/Mufakir caalamiya oo Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan maxfalada aqooneed ee caalamka, si weyna looga aqristo Buugaagtiisa ku qoran luqadda caalamigaa ee Englishka iyo luqadaha kale ee badan oo loo tarjumay.

Sheekada, sida ka muuqato magaceeda iyo qofka qorayba markaad isku jamciso waxaa kuu soo baxaayo in ay gudbineyso farriin culus oo aragti mug weyn sidata gudbineyso, waana middaas midda kugu riixeyso in aad aqriso sheekada.

Marka aad eegto Sheekada Gaso,Ganuun iyo Gasiin, waxaadba is leedahay oo aad arkee in wax kastaa ay dhex yuururan gudaha Sheekada ”Nolol, Bulsho, dhaqan, luqad, suugaan, Siyaasad, Caddaalad, nabad, Dammac, dhac, dil, garsoor, Diin iqkb”.

Bal aan dhugto ereyga ugu horreeyo ee magaca sheekada ee ah Gaso, Gaso, sida aad taqaanaan waa Mooro,Xero,wareeg oodan, waa xeyndaab xoolo lagu xereeyo. Magaca Gaso ee ku jira Sheekadase waa ka dhummuc iyo micna fog yahay midkaas dhaw aan kor ku soo tilmaamay ee ah xera xoolaadka. Gaso, waxeey ii muujee ineey tahay ”Globe ama Kurra ardiya ama xeyndaabka dunida”. Minaadse si fiicanoo deggen oo dhuuxid leh u aqriso waxaad arkee sida uu Prof. Cali noogu soo war-wareejiyay dunida oo dhan ”qaarad ka qaarad”, isagoo naga siiyay casharro mug iyo micno weyn noo leh, waase minaan miir iyoxis u leenahay inaan ka faa’iidno talooyinka iyotusaalooyinka ay bixineyso sheekada Gaso.

Sheekadu, waa mid furan oo haddana xiran. Waa hal-xiraalayaal furfurid u baahan, waxaana is leeyahay furfurka iyo fahamka waxaa uu u gaar noqonaa ciddii aqoon durugsan u leh dhaqanka, afka, suugaanta iyoaqrinka sheekooyinka Iyo intii isku hawsha ama la tacaasha in ay ka biyo keento halka ay sheekadu hayaanka u tahay. Sheeka-qorista iyo sheeka-akhrintuba waxay wadaagaan ama isku xira dhuftin ama dhiftin; Ciddii hesha guntinta isku heysa labadaa qodob ayaa ahaaneysa mid ka gungaarta hawshii ka gashay dhuuxidda iyo u dhabar-adayga ta’wiilka sheekada.  

Ganuun, waa ereyga labaad ee sheekada. Ganuun, waaaambur, Dabool, af-xir dhiisha lagu daboolo,marna waa weel lagu shubo dareere  ama lagu Cabo”Biyo, Caano, Caano dhaay, Caano Garoor, Caano Suusac, Caano fadho, Caano burbursan iwm”. Dareeruhu, waa midka nolosha aadmiga salka u ah, aanba si kale u dhigee, waxaan aragnaa in nolosha oo dhammiba ku xiran tahay dareeraha oo la’aantiis aaneyba jireyn nolol.

Noloshu, Waa Biyo, biyuhuna waa dareere, Dareeruhuna waxuu u baahan yahay weel xafido.

Gaso, waxaan ka baraneynaa in hardanka ugu culusee dunida uu yahay sidi loo sii jiri lahaa, ( SaciidMaxaad Raage: xaa looga kala guuray? Reer Jabaq maxay uga soo hayaameen kobtaas iyada ah? Kaawadii inteey ku dambeysay? Inteey ku dambeyndoontaa? Qawmiyaduhu masiirkoodu xow noqondoonaa? IWM). sii jiritaankuna waxuu ku xiran yahay in la helo ama la heysto dareerahaas Biyaha ah. Noloshu, waaBiyo, Biyo zamzam, Biyo xareed, biyo macaan, Biyo dhanaan, Ceel Biyood, warbiyood, Biyo Biyo, Ciyoow.

Kab aan biyo ama dareere oollin ,waa uun kab lagukala haaday oon ku sii negaasho laheyn.

Ciyoow biyaha keen

Ciddaa oomanee

Caweys iyo ciyaar

Dhaafee ceelka soo jiid.

Waana tii Rabbi na yiri: ” Wa jacalnaa minal maa’i kulli shay’in xayyin”.

Bal eeg Q.3aad, Bogga 17aad ee Sheekada.

Gasiin, Waa ereyga saddexaad ee Sheekada(Gaso,Ganuun iyo Gasiin), Gasiinku, waxuunoqonayaa wax dhuunta la mariyo, waa baad. Baadkuna waxaa uun u sal ah waa Biyo, milaygiiBiyaha la helana waa in baad kale la helaa si loo siijiro, Salkiisuna waa uun Nabaat, kaas oo ah waxanoolaha kaloo dhan nooleeyo.

Waxa sheekada Gaso tilmaameyso kuma eka baad ka baxay goofkaaga ama beertaada, ishaada yaaneeyqaban uun Rabta dhaw ee kuu muuqata, waxa la yiraaIshaan meel fog wax ka arageey dhac”. Maanku waainuu u faalal tagaa meelo fogfog, lana yimaadRiyooyin dhaxal gala oo sii suurageliya jiritaanka qofahaaneed ama ummad ahaaneedba.

Sheekada Gaso, Waxaa ay na baree in adduunku welika suulinQaanuunal-qaaba”, oo waxay ku tusee oomandiq noqonaayo ”In aad u dagaasho si aad u jirto”, Quraankuna, waa kii banneeyay Xaaraanta muggabaahiyi timaad”, haddana ka rogoo laba saare, Gaso, naguma dhiiri gelin dulmi iyo isu xoog sheegad eewaxeey na bartay in caddaaladda lagu dedaalo, cidkastaaba waxa ay mudan tahay la marsiiyo, Waxeeyayidee Xadiiskii Rasuulkeenna suubban SCW eeaheydUnsur akhaaka daaliman ow madluuman”. Gaso, waxeey tusaale nooga dhigtay XikmadihiiSuugaanyahanaddii weyneyd ee Maymuun Biyoowoo aheydDilaaygii dilaay diloow/Dilaa kuudambeeyo/Dad nool lee ku dilyaa/Ama dool yaxaasku qaadyaa”.

Fiiri Bogga 15aad ee Sheekada Gaso.

Waxa kale oo tusaalooyina sheekada ku jiraWabarkii wabaradaoo ay u sinnaayeen sabiga uudhalay midka meel kale ka yimid, Sheekadu, waxeeyna tuseysaa, in weberku uu dhalay wiil la yiraa Cali, oo caniid ah oo bulshada oo dhan xax ka siiyay, maalintii dambena Weberka loo soo sheegay in Cali, uu yaxaas la tegey, kolkaasna uu Weberku aad ugufarxay arrinkaas. Waa hee dhibkaas canug aaddhashay oodna maaro u helin, suuqna aadan geysankarin, Waxaa la yiraaWaxaad dhashay kuma dhaliniyo Madax muuqdo iyo middi saawira midna lagamasabro”, weberkase layr qaboow aa martay kolkuuogaaday in muggaas wixii ka dambeeyo bulshadu ka nabadgeleyso Canugiisi.

Waxaa kaloo iyana sheekadu na tusee qiso kale oo uuqoraagu tusaaleyn noogu soo qaatay , waana IslaanIiraaniyad ah oo canug ay dhashay oo gaarayderajada Generaal, balse dadka xax ka siiyay ay sun u qooshtay si ay bulshada uga qabato.

Waxaad fiirisaa Boggaga sheekada ee kala ah 11-15.

Runtii, Sheekada Gaso ma ahan wax si fudud loofurfuri karo, waxeey rabtaa maan kobocsan oo qibradaqrin iyo garasho sare leh oo dedaal badan iyo fiirodheer loo yeesho, qofka noocaas ah ee dedaal iyowaaya aragnimo la kaashado uun baa tiltilmaamikaro Sheekada Gaso.

Qoraha Sheekada Prof. Cali Jimcaale Axmed, waxuukor u qaaday Hab-qoraalka Soomaalida, waxuunaqoray Sheeko aan is leeyahay waa ka sarreysaaqormooyinka sheeko ee caalamka. Rabbi ha xafidoqoraha.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

[email protected]

About Author