Post View....

Faah faahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay xarunta G/Banaadir

0
136

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa la sheegaya in dhaawaca gaaray uu yahay mid culus, islamarkaana la geeyey isbitalka Digfeer ee magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin kuwii Cabdicasiis, Waaberi iyo Warta-Nabadda.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka.

About Author