Post View....

Howlgal Ciidamada Dowladda ka fuliyeen deegaan ka tirsan G/Bay oo ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

0
105

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deeaanka Owdiinle ee Gobolka Baay.

Howlgalkaan ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay Saddex ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagu qabtay Ruux ka tirsan Al-shabaab, sida uu xaqiijiay Guddoomiya deegaanka Owdiinle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Maamulka Owdiinle ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka danbeeyay kaddib markii ciidanka qalabka sida ay weerareen goob Al-shabaab ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka xoogga haatan ay ku suganyihiin goobta uu ka dhacay howlgalka sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab,kuwaasi oo ka socda qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

About Author