Post View....

Baxnaano {BCC} oo si Qurux Badan u Xustay Sannad-Guuradii 1-aad ee Dhalashadeeda

0
112

Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay, looguna tala-galay xuska sannad-guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay dhalashadii Baxnaano Community Care {BCC} ayaa shalay lagu qabtay Hotel Gurya-samo ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi oo heerkoodu uu aad u sarreeyay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuulyiin ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle, madax ka socotay maamulka G/Banaadir iyo Sh/Dhexe, Wakiilo matalayay ururo caalami ah, La taliyayaal gaarsiisan heer Qaran iyo marti sharaf kale oo aad badan.

Guddoomiyaha Baxnaano Kaamil Cabdi Macoow, Guddoomiyaha Golaha Shuurada Axmed Maxamed Muudeey (Saacid), Guddoomiyihii hore ee ururka Cabdi-qani Maxamed Yabarow iyo Xoghayaha Xiriirka Gudaha ee Baxnaano Cabaas C/raxmaan Kooli oo bilowgii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda, waxqabadka, hiigsiga, Caqabadaha jira iyo halganka ay Baxnaano ugu jirto sidii ay uga mira dhalin lahayd hadafkii loo unkay.

Dr. Cadnaan C/llaahi Xuseen iyo Md, C/raxmaan Macallin oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay qorshayaasha Caafimaadaka iyo Waxbarshada oo la doonayo in laga fuliyo deeganada ay ka hawl-gasho BCC, waxayna halkaasi ku soo bandhigeen baahida dhaqaale ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

Sidoo kale munaasabaddaasi oo xiisaheedu uu aad u sarreeayay ayaa waxaa ka hadlay Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow, Prof Maxamuud Nuur Gacamey, Dr. C/llaahi Xuseen Cabdi, Ganacsade Cabdi Muuse Ayaanle, Yaasiin Xaaji Guulane oo matalayay Warmacad Inetrnational, halgamaa Muuse Xabad Tafad, Maxamed Geeseey iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo soo dhaweeyay dadaalka iyo waxqabadka ay ku talaabsatay Baxnaano halkii sanno oo ay jirtay.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee maamulka G/Banaadir C/qaadir Muxyadiin Dhalxa, Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Axmed Xuseen Shiidka, La-taliyaha Wasiirka Caafimaadka Dr.Jalaaludiin Axmed, Wakiilka Madaxtooyada ee G/Banaadir C/raxmaan Xasan {Farxaan Soomaali} iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Hirshabeelee Xildhibaan Maxamed Xuseen Mooge oo Gaba-gabada xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka soo qeyb galaan munaasabaddaasi, waxayna balanqaadeen inay gacan mug leh ka gaysan doonaan bixinta dhaqaalaha lagu socodsiin doono adeegyada Waxbarshada iyo Caafimaadka, iyaga oo Baxnaano Community Care u rajeeyay horumar wanaagsan.

Gunnaanadkii munaasabaddaasi waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay akhyaar si hagar la’aan ah ula soo shaqeeysay BCC, waxaana dadkaas ka mid ahaa Dr. Xasan Maxamed Nuur, Dr. Jalaaludiin Axmed iyo xubno kale oo muhiim ahaa, dhinaca kale intii ay socotay xafladdaasi waxaa halkaasi lagu daawaday Suugaan kala duwan oo aad loo jecleystay.

Munaasabaddaasi oo aheyd mid aad u qiimo badan ayaa ku soo idlaatay si sharaf leh oo la xasuusnaan doono.

About Author