Post View....

Haweeneey Ahlu-Kheyr ah oo Geeriyootay!!! {Aan u Duceyno Marxuum Caasho Cabdi Diini}.

0
118

Adduunyadu waa safar qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doono, ma-dhinte waa Alle ee Eebbe ha u naxaraiistee waxaa maanta ifka ka wareegtay Marwadii uu horey uga geeriyooday Guddoomiyihii Guddiga qoraalka farta Soomaaliga Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali oo la oroan jiray Caasho Cabdi Diini.

Allaha u naxariistee Marxuumadda ayaa aheyd haweeney Ahlu-Kheyr ah oo samafal badan, naxariis badan, dabaeecad wanaagsan isla markaana si weyn u taageeri jirtay bahda qoraaalka, iyada oo lagu xasuusan doono sida ay had iyo goor ugu heeleneyd daryeelka dhaqanka, hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Guddoomiyha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomlaiga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiye Ku-xigeenka AGA Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akademiyada iyo dhammaan hawl-wadeenka AGA ayaa Tacsi u dirayo qoyskii, eheladii iyo asaxaabtii ay ka geeriyootya Marxuum Caasho Cabdi Diini, waxayna Alle uga baryeen inuu Jannadiisii Fardowsa aheyd uu ka waraabiyo!!!

WD:Shiikhaalow

About Author