Post View....

Floribert Biyereke “2 Askari oo Burundi ah ayaan ku waysanahay Dagaalkii Balcad raqdooda iyo ruuxooda..”

0
233

Afhayeenka Ciiddanka dalka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 6 Askaari looga dilay dagaal ay Alshabaab maalintii Sabtida ee la soo dhaafay kula galeen Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe.

Afhayeenka oo Saqdii dhexe ee xalay Weriyayaasha kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Bujumbura waxa uu tilmaamay in Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ay weerar kala kulmeen Dagaalamayaasha Alshabaab Degmadda Balcad oo 30 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Muqdisho.

“6 Askari isla goobta ayey ku geeriyoodeen, 3 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, iyadoo 2 Askari oo kalena la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda” ayuu yiri Afhayeenka Ciiddanka dalka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke.

Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo tiradooda dhan tahay 5,432 Askari waa Ciiddanka 2-aad ee ugu tirada badan Hawlgalka AMISOM, marka laga soo tago Ciiddanka Uganda oo ay Somalia ka joogaan in ka badan 6,000 oo Askari.

Ciiddanka Burundi waxay Somalia ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 2007-dii oo Ciiddanka AMISOM u soo daad-gureeyey gudaha Somalia.

About Author