Post View....

Tahriibayaal lagu soo qariyey Gaari Xamuul ah oo Gacanta lagu soo Dhigay

0
116

Booliska dalka Waqooyiga Mesedooniya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 79 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo lagu soo qariyey Gaari Xamuul.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Muhaajiriintaasi lagu qabtay Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Saraakiil ka kala socotay Boliska dalalka Waqooyiga Mesedooniya iyo dalka Hangeri.

Gaariga ay la socdeen Muhaajiriintaasi waxaa lagu joojiyey Degmadda lagu magacaabo Gegelija ee Koonfurta dalkaasi, kuna taalla meel ku dhow xuduudka ay labadaasi dal wadaagaan.

Dareewalkii Gaariga waxaa la sheegay in la xiray, halka Muhaajiriinta loo gudbiyey Xarun dadka lagu hayo, ka hor inta aan dib loogu celinin dalka Giriigga oo ay ka soo tahriibeen.

Boliska dalka Waqooyiga Mesedooniya wax faahfaahin ah kama aysan bixinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta lagu qabtay xuduudka.

Muhaajiriintaasi waxaa lagu tuhunsan yahay inay markoodii hore ka soo tahriibeen dalka Turkiga, ka hor inta aysan tegin dalka Giriigga ee xuduudka la leh Turkiga.

About Author