Post View....

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyayMaxaabiis (Magacyada Mxaabiis)

0
123

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi Waxa Uu Wareegto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-350/072019 ,uu Cafis u fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xirnaa  falalka Burcad-badeednimada.

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5-aad, Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland.

Markaan Arkay: Maxaabiista u xiran falalka burcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka burcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas.

Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda.

 Markaan Tixgaliyey: Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista burcad-badeednimada u xiran ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles.

Waxaan Go’aansaday:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhan falalka Burcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah:

1) Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi
8) Cabdirisaaq Maxamed Cali
9) Cabdifataax Axmed Xasan
10) Nuur Maxamed Aadan
11) Jamaal Maxamed Cali
12) Cali Maxamed Cali
13) Cabdillaahi Maxamed Xasan
14) Cabdi Tahliil Xasan
15) Daahir Cabdillaahi Warsame
16) Cabdiqaadir Cabdi Cali
17) Cabdinuur Xaaji Aadan
18) Maxamed Maxamuud Xasan
19) Abuukar Axmed Ciise

 

About Author