Post View....

Dowladda oo lagu amray la dagaalanka dadka ku jira dowladda ee xiriirka tooska ama kan dadban la leh Al-Shabaab.

0
111

Kadib kulanki Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu la qaatay gudigii u xil saarnaa u gurmashada masuuliyiintii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay aqalka dowladda hoose ayaa waxaa ka soo baxay awaamiir ku soctay xukuumadda.

Afhayeenka dhinaca warbaahnta ee Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed ayaa shaaca ka qaaday in kulankaas lagu soo hadal qaaday sidii ay Xukuumaddu ula iman laheyd qorshe ay kula dagaalanto dadka ku jira dowladda ee xiriirka tooska ama kan dadban la leh Al-shabaab.

“Suurta gal ma aha inay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

About Author