Post View....

Ciidamada amniga Puntland oo laga geliyay Feejignaan iyo Heegan buuxa.

0
108

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo shir jiraa’iid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira amniga deeganada maamulkaas iyo baaq ku socday shacabka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay u dabaal degeyso 21-sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskeeda waxaana uu faray in ciidamada ammaanku ay ka feejignaadaan inta uu socdo dabaal dego inay dhacaan falal amniga ka soo hor jeeda.

Shinaca kalana waxa uu baaq u diray shacabka isaga oo ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan amniga,isaga o intaas ku sii daray in Puntland ay tahay maamul waqti dheer dhisan.

About Author