Post View....

Shuruud Lagu Xiray Muhaajiriinta Soomaalida Ee Laga Soo Masaafurin Lahaa Denmark

0
101

Xukuumadda cusub ee dalka Denmark ayaa la sheegay inay debcisay Go’aankii adkaa ee lagula macaamili jirey dadka Muhaajiriinta ee ku nool dalkaasi, gaar ahaan kuwa horey loogu wargeliyey in dib loogu celin doono dalalkooda hooyo. Xukuumadda cusub ee dalkaasi ee Xisbiga Social Democrats ayaa debcisay mowqifkii ay ka taagnaayeen dhanka Muhaajiriinta, tan iyo markii Ololaha Doorashadda, waxayna muddo 3 isbuuc wada-xaajood la lahaayeen saddexda Xisbi ee ay kula heshiiyeen inay taageeraan Xukuumadda Cusub ee dalkaasi. Mette Frederiksen ayaa ah Ra’isul-wasarada cusub ee dalkaasi, waana 41-jir noqotay Ra’isul-wasaarihii ugu da’da yaraa dalkaasi, waana Haweeneydii Labaad ee Ra’isul-wasaare ka noqota dalkaasi. Mette Frederiksen oo hoggaamisa Xisbiga The Socdal Democrats waxa uu xisbigaasi horey bandow ugu soo rogay inay Haweenka Muslimiinta xirtaan Niqaabka iyo iyadoo uu Xisbiga horey u adkeyn jirey sharciga Muhaajiriinta iyo in dadka loo diido magangeliyada dib loogu celiyo dalalka ay u dhasheen. Shabadda Wararka ee infomigrants.netwaxay qortay in Xisbiga haya Talada dalka Denmark ee Social Democrats iyo saddex Xisbi ee kale ku heshiiyeen Heshiis ka kooban 18 Bog, kaasi oo noqon kara in isbedel Fudud la sameeyo. Heshiiska ay gaareen Xisbiga Ra’isul-wasarada cusub ee dalka Denmark iyo saddexda Xisbi ee Social Liberals, Isbahaysiga Casaan-Cagaaran (The’Red-Green Alliance’ iyo Xisbiga Socialist People’s Party (SF) waxa uu ku salaysan yahay in Siyaasadda ku wajahan Muhaajiriinta la debcin doono. Ra’isul-wasaarada cusub ee dalkaasi ayaa looga baahan yahay inad la timaado Siyaasad aad u dabacsan oo ku aadan dadka Muhaajiriinta ee ku nool dalkaasi. Sida laga soo xigtay Wargeyska The Local ee dalka Denmark, waxay Ra’isul-wasaare Mette Frederiksen sii wadi doonto inay diirada saarto Dib-u-celinta iyo Magangelyadda xilliga kooban ee la siiyo Muhaajiriinta. Qorshe hore oo la doonayey in dadka la diido codsiyadooda Magangelyo-doonka ee la masaafurin doono lagu sii hayo Jesiirad ku taalla Badda Baltic Sea oo Shaybaar u ah Qansiirka ayaa iyadana meesha laga saaray, oo laga noqday qorshahaasi.
Shabakadda kale ee “Refugees.DK” oo inta badan laga helo Warbixinadda qaxootiga ku nool dalka Denmark oo horey Abaalmarino ugu helay Hawshooda ku aadan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadashay Siyaasadda Xukuumadda cusub ee Arrimaha Muhaajiriinta. Shabakadu waxay qortay in Qaxootiga lumiyey Oggolaanshihii Deganaanshaha Denmark haddii ay xaalladda dalalkooda hooyo soo hagaagtay in haatan loo oggolaan doono inay sii joogaan Denmark. Qaxootiga loo oggolaanayo inay sii joogaan dalkaasi ayaa ah kuwa shaqa haystay ugu yaraan 2-sanno, welina shaqeeya. Isbedelka Fudud ee Siyaasadda Denmark waxay kaloo muhiim u noqon doontaa mustaqbalkooda 900 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo Deganaanshaha dalkaasi lumiyey intii lagu guda-jirey sannadkii hore iyo qaar kale oo u dhashay dalka Denmark. Si kastaba ha ahaatee, tirooyinka ugu badan ee iska dhiiba dalkaasi Sannadkan 2019-ka waxay ka kala yimaadeen dalalka Syria, Eritrea, Moroko, Georgia iyo Somalia.

About Author