Post View....

Howlgal musaafuris ah oo ka bilaawday Mareykanka

0
119

In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la masaafuriyo.

Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arimaha soo galootigu ay diideen kiiskooda.

Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku meesha ay ka bilaabeen dadkaa la soo qab qabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda.

Waxa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin.

About Author