Post View....

Ciidamo loo diyaariyay Tababar Milateri oo Saraakiil Dowladda ah ay Booqdeen

0
122

Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaanti ayaa Duleedka Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud ku Booqdey qaybo ka mid Ciidamada Cusub ee Dhawaan Balambal laga Diiwaan galiyey,kuwaasi oo Dowladu u Diyaarineyso in la geeyo Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Harqaboobe oo Dhawaan Tababar sare looga furayo.

Gen. Kaanti Taliyaha Qaybta ayaa Ciidamadan u sheegey in laga Doonayo in ay Diyaar u Noqdaan Safarka iyo Tababarka,isla markaana waxaa uu tilmaamay in Dowlada ay Diyaarisey gaadiidkii geyn lahaa Xeryaha Ujeedkuna yahay in la helo Ciidan Galmudug iyo Guud ahaanba Dalka ka saara Al-shabaab.

Dhawaan ayay markii Ciidamadii kala duwaan ee Laga Qoray Guud ahaanba Dagmooyinka Galmudug tababar ku Qaadan doonaan Xerada Harqaboobe.

About Author