Post View....

Yaa ka danbeeyay Qaraxii lala beegsaday Madaxa ilaalada Musharax Daahir Geelle..? (Faaqidaad)

0
118

arax miino ayaa lala beegsaday xalay ilaalada Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle kaasoo shaki laga muujiyey sida uu ku dhacay iyo cidda ka danbeysay.

Qaraxan oo ka mida qaraxyada sii xoogeystay, aadna u sii badanaya ee loo adeegsado Miinada dhulka la geliyo ayaa waxaa soo baxaya inay ku lug leedahay gacan saddexaad oo aan ahayn Alshabaab, iyadoo in muddo ahba uu socday tuhun ku saabsan qaraxyada Muqdisho ka dhaca inay siyaasad ka dambeyso, sida duqeyntii ugu danbeysay eeXarunta Xalane.

Alshabaab ayaa caadiyan sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu qaaday ilaalada Musharax Daahir Geelle, waxaana qaraxa ku dhintay laba askari, halka uu ku dhaawacmay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Milateriga, haddana ahaa madaxa ciidamada ilaaliya Musharaxan oo lagu magacaabo Col. Cumar C/raxmaan Abuukar.

Musharax Daahir Geelle oo war kasoo saaray falkan ayaa yiri: &Waxaa qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed oo ka tirsanaa ilaalada taliye Cumar. Waxaan Alle uga baryayaa inuu inoo caafiyo Cornel Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif darawalka taliyaha, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha, Ilaahay ha u booga dhayo, caafimaad deg deg ah ha siiyo dhammaantood. Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah..

Xogt la helay ayaa sheegeysa in qaraxa lala beegsaday ilaalada Musharax Daahir Geelle uu kusoo beegmay iyadoo saraakiisha Milateriga dowladda Soomaaliya ee u dhow Madaxweynaha waqtogiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo ay cadaadis ku hayeen saraakiisha la shaqeysa Midowga musharixiinta Madaxweynaha oo qaarkood la sheegay in farriimo caddowtinimo ugs yimaadeen Madaxtooyada, qaar kalena laga joojiyey Mushaarkii.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Mucaaradka ayaa bartamihii Janaayo 2021 ka digay in dalka Eritrea laga keenay Miinooyin laga soo dejiyey Garoonka Muqdisho. Wuxuuna farriintaasi ku yiri: &Saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo.

Ma jirto cid xaqiijin karta dhab ahaan cidda ka danbeysa qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, laakiin waxaa sii kordhaya aaminaadda ku saabsan inay jirto gacan saddexaad oo ku daaban madaxda xilka heysa, taasoo ay ka dhawaaqijiyeen madax badan, shakiguna gaaray in si cad loo sheego jiritaanka LABA SHABAAB.

Waxaan sidoo kale la aamini karin sheegashada Alshabaab ee ah inay ka danbeyso qarax ama fal kasta oo Muqdisho ka dhaca, waxaana la xusuustaa inay sheegatay weerarkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Cabdi Dirir ee dhacay bishii May sanadkii 2015 oo la xaqiijiyey inay ciidamo ka tirsan ku rasaaseeyeen Gaari uu la socday jidka Maka Almukarama, agagaarka Isbitaalka Daarushifaa.

About Author