× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
Xukuumada Oo Dhibaato Turkida Lagala Kulmo Kala Hadashay Safiirkeeda
WARKA

Xukuumada Oo Dhibaato Turkida Lagala Kulmo Kala Hadashay Safiirkeeda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u Jooga Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeeya labada dal iyadoo la og yahay in Turkidu yihiin kuwo aad Soomaaliya utaageeray dhinaca ciidamada iyo Dhaqaale Siinta Dawlada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ku yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan kulan la qaato wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya, waxaan ka wadda hadalnay xariirka labo geesood ah iyo xoojinta iskaashiga labadda waddan”

Waxaa wararka qaar ay sheegayaan in Visaha Turkiga oo dhib ay ku qabaan Soomaalida uu sidoo kale wasiirka kusoo hadal qaaday kulankooda iyadoo Safiirka uu aqbalay in arintaas wax laga qabto.

About Author

2

Abdi Malik