Post View....

”Somalia waxba nagama haysato e baddeenna waxaa dhacday TANZANIA!” – Shacabka Kenya oo u jihaystey dhanka Tanzania

0
113

Shacabka Kenya ayaa ka fal-celiyey go’aanka ku qoran wargaysyo Kenya kasoo baxa sida Nation ee ku saabsan inay ka bexeen dood-afeedkii berri loo madlanaa inay ka dhacdo magaalada Hague ee muranka ay Kenya gelinayso dhul-badedka Somalia ee hor taalla Maxkamadda ICJ.

Marka la eego xariijimaha haatan lagu doodayo waxaa muuqata in Tanzania ay horay heshiis ula gashay Kenya iyadoo qaadatay dhul-badeedka Kenya haddii ay sax noqoto doodda Somalia, taasoo soo jiidatey shacabka Kenya qaarkood oo jawaabo ka bixiyey.

Rophus Sanga ”Sida cad Uganda iyo Tanzania ayaa horay dhinac noo riixey dhanka xadadka. Marar baan is waydiiyaa halka ay Kenya jirtey markii xadadkan la samaynayay?”

Muchai Mutugu ”Maxaan ugu dagaallamaynaa wax awalba shisheeye gacanta ugu jirey. Annaga oo Kenya ah ayaa sinnaan u baahan.”

Gemini Mwangi wuxuu tooshka u weeciyey dhanka Soomaalida haatan maamul ahaan hoos tagta Kenya. ”Kenya unbay ka jirtaa meel Soomaalida Kenya ay diyaar u yihiin inay u dhintaan Somalia. Kenya waa inay dhul-badeedkeeda dib u heshaa marka ay Madaxayne hesho.”

Hillary Balala ”Tani run ma tani…Xariijintu waa inay toos ahaataa…. Tanzania ama Somalia midkood baa na dhacay oo kala bar ka badan naga goostay.”

Fred Choge ”Had iyo jeer waxaan aadnaa kuwa jilicsan, aan isku dayno Itoobiya oo dhulkeenna qaadatay.”

K-Odisa Ja Kadongo ”Tani waa dhac maalmeed oo xoog ah, balse haddii ay xariijintu toos tahay Somalia waxba meesha kuma hayso, laakiin haddii ay dhex-roor tahay Tanzania waa inay soo wareejisaa baddeenna.”

Omosh Dave ”Waxay u muuqataa in dhulka lagu muransan yahay ay Somalia yeelato, waxay doodi noo taallaa annaga iyo Tanzania annagoo raacayna isla aragtida Somalia, xad badeedkeennu wuxuu aadayaa Tanzania.”

Caleb Rono ”Waa in aannu dacwad ka gudbinnaa Tanzania. Waa na dheceen.”

Kirwa Kip Eliud ”Aagga lagu muransan yahay ee ay Kenya sheeganayso waxaa si cad u leh Somalia.”

John Bier ”Somalia inay saxan tahay ayay u muuqataa. Waa inaannu sheegannaa xad-badeedka aan la leenahahy Tanzania. Waxay soo galeen aaggeenna.”

Jeffrey O Goeffrey ”Kenya xoogaa kahor waxay Uganda ku haysatey jasiiradda Migingo, hadda waxay haysataa Somalia, waxaa xigi doonta Tanzania, marka is diyaariya.”

About Author