Post View....

Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor

0
9

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaad Ku Jirtaan Dagaal Waafaqsan Mabaadii’da Shareecada Islaamka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.
“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed .

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Oo Gaaray Furimaha Dagaalka Ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray degmado Baxdo isagoo uga sii gudbay deegaanka Xin-labi oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Xin-labi ee muddo dheer u oomanaa neecaawda Dowladnimada.
Intaas kaddib, madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa uga sii gudbay deegaannada Dhag-haye iyo laas-gacaneey ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo in ku dhaw saddex toddobaad ku jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa usoo wareegay deegaannada Gobola Mudug ee ay ciidamada geesiyaasha ku baacsanayaan khawaarijta arxanka daran.

Yuusuf Axmed Hagar oo maanta kulan bulsho la qaatay Maamulka Degmada

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta kulan bulsho la qaatay Maamulka Degmada, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Saraakiisha Amniga ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Kulankaan ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, baaahiyaha horumarineed ee ka jira degmada, mashaaricda la filayo iyo sidii loo xoojin lahaa dardargalinta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle oo kulankaan ay ku wehliyeen Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masuuliyiin kale ayaa sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa cadowgaan dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed sidoo kalana la garab istaago geesiyaasha Xoogga dalka iyo Kuwa deegaanka ee la dagaalamaya khawaarijta.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariy ayaa isagoo ku sugan deegaannada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay ayaa ka warbixiyay halka uu marayo howlgalka khawaarijta looga xoreynayo deegaannada Galmudug iyo ujeedada safarkadheer ee qaatay in ka badan laba toddobaad uu ku joogo furimaha dagaalka.
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.
Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.

About Author