
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meelmariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Decembar 2021, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “aan dib u dhac lahayn”.
Qoraalka oo ka koobnaa 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.
Qaraarka, oo loo wada qaatay si wadajir ah, wuxuu u fasaxay Midowga Afrika inuu sii wado howlgalka ciidankiisa jooga Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadka iyadoo loo igmaday “yareynta qatarta kooxaha xagjirka ah si loo suurtageliyo xasilooni, federaal, madax-bannaani iyo midnimo Soomaaliya”.
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo ah Hay’ada ugu awooda badan UN-ka ayaa sheegtay in ujeedkeedu yahay in amaanka lagu wareejiyo maamulada Soomaalida, iyadoo ujeedku yahay in Soomaaliya ay hogaan u noqoto amaankeeda sanadka 2021 ayna gaarto masuuliyad buuxda dhamaadka 2023.
Qaramadda Midoobay waxa ay xoojineysaa muhiimadda ay leedahay in la dhiso awoodda ciidamada Soomaaliya iyo hay’adaha si ay awood ugu yeeshaan maareynta khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, waxayna awood u siineysaa ciidamada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AMISOM, in ay taageeraan ku wareejinta waajibaadkooda amniga ee dowladda.
Golaha Ammaanku wuxuu soo dhoweeyey “horumarka illaa iyo hadda la gaaray” laakiin wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyey khatarta degdegga ah ee uga imaanaysa al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah sida ku caq qaraarka UN-ka.
Xubnaha Golaha ayaa soo dhoweeyay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay si wadajir ah ula howlgasho AMISOM “si Soomaaliya u hesho amaanka aas-aasiga ah.” Laakiin waxa ay yiraahdeen “Soomaaliya wali awood uma lahan in ay mas’uuliyad buuxda iska saarto nabadgelyadeeda iyo in hoos u dhigida Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda iyo dhismaha iyo nabad waarta ayna u baahan tahay sidaas darteed in la sii wado iskaashiga gobolka, kan caalamiga ah iyo taageero.” In kasta oo qaraarkii uu Ingiriisku diyaariyey loona qaatay si wada jir ah, haddana saddexda xubnood ee golaha Afrikaanka ah – Niger, Tunisia iyo Kenya waxa ay diidanaayeen qaabka wadaxaajoodyada loo qabtay, iyagoo sheegay in aan si habboon loogala tashan.
Britain ayaa cadeeyay in ay adagtahay in lasoo gabagabeeyo howlgalka AMISOM sababo laxiriira khilaafaadka bishii lasoo dhaafay udhaxeeyay wadamada reer galbeedka iyo xubnaha afrikaanka ah ee golaha, oo ay kujiraan Kenya, Niger iyo Tunisia, kuwaasoo xitaa London ku qasbay in ay dib u dhigto codeynta 15 maalmood.
Su’aasha ku saabsan maalgelinta ciidamada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AMISOM, ayaa ka mid ahayd qodobadii la isku hayey.
Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada codbixinta, Niger waxa ay soo saartay, iyadoo ku hadleysa magaca dowladaha xubnaha ka ah Afrika, bayaan dheer oo xasaasi ah oo kusaabsan sida wadahadalada ay uqabatay Ingiriiska, oo ay sheegtay in ay iska indhatireen qaar kamid ah tabashooyinkooda.
“Qaar ka mid ah soo-jeedimadeennii waa la diiday iyada oo aan la helin sharraxaad lagu qanci karo ama midna haba yaraatee,” ayuu yiri Abdou Abarry, oo ah danjiraha Niger oo ku doodaya in ciidanka AMISOM waqti dheeraad ah la siiyo lana bixiyo mushaaroodkooda.
“qoraalka UN-ka kama tarjumayo mowqifyada Midowga Afrika.”
“Midowga Afrika waa inuu door hoggaamineed ka qaataa go’aaminta mustaqbalka howlgalkooda Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka” ayuu yiri Abdou Abarry safiirka Niger ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya waxa ay dib uga dhacday waqtigii loo qabtay in ay ku qabsoonto doorashada ugu dambeyn 8-da Febraayo, xilligaas oo uu dhici lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ku magac-dheer Farmaajo, taas oo xiisad dastuuri ah ka dhalisay mucaaradka, maamuladda iyo Dowlada Faderaalka oo markii horaba jilicsaneed
Farmaajo iyo shanta hoggaamiye goboleed ee Soomaaliya waxay a gaareen heshiis 17-kii Sebtember 2020,kaas oo meesha ka saaray ballanqaadkii Farmaajo ee ahaa doorasho hal qof iyo hal cod laakiin loo soo bandhigay waddo midaysan oo lagu qaban karo doorasho inkastoo fulintooda ilaa iyo hada ay isku mari la’yihiin dhinacyada.