Wasiirkii Ammniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii degmada Beled Xaawo lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa qaabilay Janaan, waxaana ka mid ahaa wasiir dowlaha wasaaradda gadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala

Waxaana la socday ciidamo fara badan oo isaga ka amar qaata kuwaasoo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada dowladda