Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maalintii Arbacadii ku soo dhaweeyey magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, wasiirkii hore ee amniga maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Janan.

Wasiiru dawlaha gaadiidka, Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminaya wefti ka socda dawladda iyo saraakiisha maamulka degmada ayaa Cabdirashiid Janan ku qaabilay magaalada.

Cabdirashiid Janan waxa la socday ciidamo faro badan oo isaga ka amar qaata, kuwaas oo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada dawladda. Waxaanay dawladu sheegtay in ay ciidamadaasi ka mid noqon doonaan ciidamada dawladda.

Janan ayaa horey ugu eedeynaa “dembiyo dagaal” balse ma cadda sida dacwaddii maxkamadda laga yeelayo iyo waxa dhabta ah ee isaga iyo dowladda ay ku heshiiyeen. Laakiin warbaahinta qaar ee dowladda waxay hadalka u dhigeen in “uu isa soo dhiibay”.