
Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xildhibaannada Kutlada Badbaado Qaran ee labada Aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, iyadoona lagu soo dhoweeyay golaha Badbaado Qaran ee dhowaan Muqdisho looga dhowaaqay.
Xildhibaanada ayaa baaq u diray dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya.
“Hadaan Nahay Xildhibaanadda kudlada Badbaadada Qaran waxaan umadda Soomaaliyeed uga digeyna qatarta Farmaajo uu ku yahay dadka iyo Dalka” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Sallaad oo hadlay shirka ka dib.
Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri ‘’Waxaan sidoo kale uga dignay saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka”.