Waraysi qiiro leh oo ay siisay weriye Oprah Winfrey, ayay Meghan ku sheegtay in midab takoor ay ka dareentay Qoyska Boqrtooyada Ingriirska, taasi oo kaalin ka qaadatay fikradeheeda ah inay isdisho.
Midab takoorka ka dhex jira qasriga boqortooyada iyo warbaahinta ayaa kaalin weyn ka qaatay dareenkeeda ku aaddan inaysan doonayan inay sii noolaato, sida ay sheegtay Meghan.
“Saameynta ka dhalata caadiska qorsheysan iyo kala sooca ayaa sababta xanuunbadan,” waxaa barteeda Instagram-ka kusoo qortay Serena Williams, oo ah ciyaaryahanad Teeniska ciyaarta, oo saaxib la ah Meghan.
Dadka qaar waxay sheegeen in reer Mareykan ay aad uga naxeen hadalka Meghan ee ah in walaac laga muujiyay midabka canugga ay dhaleen iyada iyo Amiir Harry.
Qoyska Boqortooyada ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin sheegashada Meghan iyo Harry.
Markii ay qortay in ay ogtahay gacanteeda sida jinsiga iyo cunsuriyada loogu isticmaalay “in lagu aflagaadeeyo” dumarka midabbada leh, Williams waxay tiri: “Waxaan doonayaa gabadha Meghan, gabadhayda iyo gabadhaada inay ku noolaadaan bulsho ixtiraam ku wadata.”
Lamaanahan ayaa wareysiga ku shaaciyay inay filanayaan inay gabar u dhalato xagaaga.
Iyada oo ka hadleysa wiilka Prince Harry ee Archie, Meghan waxay sheegtay in reerka boqortooyada dhexdiisa uu ka jiray “walaac iyo wada hadal ku saabsan sida maqaarkiisu uu madow u noqon karo markuu dhasho”.
Erin Vanderhoof, oo ah suxufiyad ka tirsan Vanity Fair, ayaa BBC-da u sheegtay in “runtii ay tahay wax laga xumaado” Ameerika in la waydiiyo su’aalo ku saabsan midabka maqaarka ilmaha yar.
“Caqligaas ka dhanka ah guurka jinsiyadaha iyo qaababka uu wali u sii nool yahay waa wax aan u naqaano cunsuriyad,” ayay tiri..
In kasta oo ay soo jeedisay in inta badan dadka Mareykanka ay fahmeen in qoyska reer boqor uusan “matalin” dadka Ingiriiska oo dhan, Ms Vanderhoof waxay sheegtay in la arko “qof iskiis u sameystay cunsuriyadda oo la diiday oo lagu jees jeesay”. Si kastaba ha ahaatee waxay xaqiijisay fikradaha qaarkood ee ku saabsan elitism-ka Britain.
Dhanka kale, Stephanie Guerilus, oo ah xoghayaha ururka saxafiyiinta madow ee New York, ayaa u sheegtay BBC News in “caga jugleynta Meghan Mar kale ay noqotay waqti qaran oo la soo dhaafay” gudaha Britain.
“Wax ka weydiinta midabka maqaarka ilmaha waxay ka imaan kartaa jahli,” ayay tiri, “laakiin weydiinta su’aalaha isku xiga waxay u muujinaysaa iyada inay ku kalliftay cunsuriyad.
Go’aankii Meghan iyo iyo waliba Harry go’aankiisii ”geesinimada lahaa” ee ahaa inuu ka tago qoyska Boqortooyada sidoo kale waa la amaanay, dadka u riyaaqayna waxaa mid ah gabadha abwaanadda ee u dhalatay Mareykanka ah ee Amanda Gorman.
“Awoodda Meghan hubaal waxay dib u qeexi doontaa qoyska meel walba,” ayay ku qortay Twitter-ka.
“Ka fikir dumarka ay arrintan ku dhiiragelinayso inay u istaagan noloshooda,” ayay tiri.
Ingiriiska sidoo kale, haweenka madow qaarkood ayaa ka falceliyay wareysiga. Dadka u dooda xuquuqda haweenka, sida Dr Shola Mos-Shogbamimu, ayaa u sheegtay BBC News in “cunsuriyada ay caadi tahay” in badan oo daawadayaasha caddaanka ahna ay diidi doonaan in waxa Meghan la kulantay ay tahay cunsuriyad.
Dadku “waxay rabaan inay diidaan in Qoyska Boqortooyada fikir ahaan ay salka ku hayaan gumeysi, cunsuriyad iyo sarrayn”, ayay raacisay hadalkeeda.
In kasta oo lammaanaha ay sheegeen inay waqtiyo adag la qaateen qaar ka mid ah qoyska Boqortooyada, oo uu ku jiro Harry aabihiis Prince Charles, waxay si naxariis leh uga hadleen Boqorada oo ay Meghan sheegtay inay xasuusisay ayeeyadeed.