Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo galabta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si heer sare ah loo soo dhaweeyey.

Axmed Madoobe oo si kooban saxaafada ula hadlay isagoo kusugan Qeybta Madaxda Fadhiistaan Ee Madaarka ayaa sheegay in abshir dadka ugu hordhacayaan taas oo wax badan aan laga fahmin waxa uu ka waday.

Waxaase dadka siyaasada udhuun daloola ay ku micneeyeen mid yadadiilo uu ka qabo is faham laga gaaro doorashada Muranka hareeyey Ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wixii war ah dib udhigan doono,islamarkaana siyaasada iyo mad madowga jira Mawaaqif cad laga qaato.