Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ah Saaxiibo Siyasada Dalka ay go’aan ka gaaristeeda ka go’do.
Fahad ayaa loo arkaa Milkiilaha Dawlada Hadda jirta islamarkaana go’aanada uu qaato Madaxweyne Farmaajo ku taageero Guul iyo guuldaro waxa yimaadaba.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya aadna umucaarada Siyaasada Nabad iyo Nolol ayaa galabta Bartiisa Facebook kusoo daabacay Qoraal macno fog xambaarsanaa balse aan xaqiiq loo heynin.
Waxa uu is weydiiyey Xildhibaan Mahad Salaad in weerarkii Maanta Hoobiyeyaasha Xalane lagu duqeeyey ay Al Shabaab adeegsadeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.