Dowladda Kenya ayaa si lama filaan isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiy
Sida ay ku warratay warbaahinta maxalliga ee Kenya, maxakamadda cadaalada caalamiga ah ee ICJ ayaa waxay horey u qaaday dhowr kiis oo ah muran dhanka badda ah. Kenya waxay ku eedeysay maxkamadda inaysan dhexdhexaad ka ahayn dacwaddan oo khuseysa aag badeedka lagu mursan yahay oo dhan 62,000 ll mayl oo laba jibaaran oo badweynta Hindiya ah. waxaa la aaminsan yahay nay ceegaagaan gaas iyo saliidd.
Haddaba maxaa dhacaya haddii uu dal dida inuu ka qeybgalo dhageysiga dacwadda
Maxkamadda ayaa labada dhinac ee muranka uu ka dhaxeeyo waxay mid kasta xaq u siisaa in ay soo bandhigaan cadeymaha ay hayaan.
Garsoorayaasha ayaa darsaya cadeymaha uu dalka kasta soo bandhigay islamarkana go’aan ka gaaraya kiiska.
Maxakamadda ICJ ayaa marka uu dal dacwad u soo gudbiyo waxaay casuuntaa dalka kale si ay uga jawaabaan dhankooda dacwadda laga soo gudbiyay.

Xeerka maxkamdda ICJ qeybtiisa 53-aad ayaa qaba haddii “Mid ka mid ah dhinacyada uusan hor imaanin maxkamadda, ama uu ku gul darreysta inuu is difaaco, dhinaca kale ee dacwadda waxaa u furan inay maxkamadda ka dalbadaan in la dhegysto oo dalabkooda loo meel mariyo.”
Sidaasi darteed waxay u badan tahay in maxkamadda ay dhageysan doonto dacwada Soomaaliya. Kenya waxay dalbatay in la siyo muddo 30 daqiiq oo uu xeer ilaaliyaheeda garsoorayaasha ugu sharxao sababta aysan uga qeybgeleynin dacwadda. ma cadda in kenya fursadaasi la siin doono iyo in kale.
Soomaaliya ilaa iyo hadda kama aysan hadlin hadalkan ka soo yeeray Kenya.
Hadda ka hor ma dhacday
Sanaddii 2013 ayaa waxay dowladda Philippines ay kiis muranka dhanka badda ah oo kala dhaxeeyay Shiinaha ay u gudbisay maxkamadda ICJ.
Philippines Iyo Shiinaha ayaa ku muransanaa badda ku taalla koonfurta Shiinaha.
Dowladda Shiinaha ayaa 19 February 2013, waxay shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Philippine.

Dhageysiga kiiska ayaa ahaa in la qaado 7 bishii December 2014, balse Shiinaha way diideen in ay ka qeyb galaan dhageysiga.
29 bishii October 2015 ayay maxkamadda ICJ sheegtay in ay awood sharci u leedahay inay dhageysato kiiska iyada oo ay ka maqan yihiin Shiinaha.
Qareenadii ka socday dalka Philippines ayaa ka dib maxkamadda u gudbiyay cadeymihii ay hayeen ee ku saabsanaa kiiska badda.
12 bishii July 2016, ayaa waxaa go’aan soo saaray golaha garsoorayaasha maxkamadda ICJ oo iyagu baddii lagu muransanaa u xukumaya dalka Philippine.
Dowladda Shiinaha ayaa markiiba go’aankan ay soo saartay maxkamadda ICJ ku gacan seyrtay .
Xukuumadda Shiinaha ayaa ku dooday in go’aanka maxkamada uu yahay mid ay ka dambeeyaan “xoogag kale” .
Waxay sidoo kale dowladda Shiinaha ay go’aanka ka soo baxay garsoorayasha maxkamadda ICJ ku tilmaamtay “kuwa hal dhinac ah”.

XIGASHADA SAWIRKA,ICJ
Dhaqangalinta go’aanada maxkamada ICJ
Maxkamada cadaalada caalamiga ah ma laha booliis ama militari fuliya go’aanada ay gaarto. Sidoo kale maxkamadda ma laha awood ay cunaqabateyn ay ugu soo rogi karto dalalka diida go’aanadda ay gaarto.
Maxkamada ayaa fulinta go’aanda waxay uga fadhidaa oo ay ku tashanaysaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Golaha ammaanka ayaa ka kooban 15 xubnood oo 5 ka mid ah ay yihiin xubnaha joogatada ah ee leh awoodda diidmada qayaxan ee Veto.
Maxkamadda ICJ
Maxakamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa waxaa la asaasay sanaddii 1945-tii.
Maxkamada ayaa waxaa uu fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka (Netherlands), halkaasi oo ay kiisaska ku dhageysato.
Garoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa ka kooban 15 garsoore oo 9-kii sanaba mar la doorto.
Luuqadaha rasmiga ah ee ay maxkamdda ku hadasho ama ay kiisaska ku qaado ayaa ah luuqadda ingiriiska iyo Fraansiiska.