Post View....

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyaoo ka bilowday Tallaalka Covid-19.

0
122

JIGJIGA:-Tallaalka xanuunka Covid-19 oo dhawaan gaaray dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah looga bilaabay magaalada caasimada ee Jigjiga.

Tallaalkan oo lagu bilaabay xirfadlayaasha caafimaadka ee adeegga siiya bukaanada looga shakiyo cudurka Covid 19.

Daahfurksa tallaalka waxaa ka qaybgalay madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Muxumed Cumar oo shacabka ugu baaqay in aanay dheg jalaq u siinin dadka dacaayadaha ka fidinaya tallaalka iyo waxtarkiisa.

Tirada dhibcaha tallaalka soo gaaray ismaamulka Soomaalida aya alagu sheegay in uu gaarayo 108.000 oo dose oo qeyb ka ah 2.2 milyan oo dhibcood oo tallaalka Covid-19 ah oo loogu talagalay dalka Itoobiya.

Wareegga kowaad ee tallaalkan ayuu maamulka deegaanku qorsheeyay in la siiyo 54,000 oo qof.

Masuuliyiinta caafimaadka dowlad deegaanka ayaa sheegay in isku hallaynta iyo waxtarka tallaalka ay tahay mid ka badan 95% iyada oo xirfadlayaasha caafimaadkuna ay ku taliyeen qaadashada tallaalka oo muhim u ah sare u qaadidda difaaca jidhka.

Dadka qaatay dhibcihii ugu horreeyay ee tallaalka ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa muujiyay kalsoonida ay ku qabaan tallaalka.

Dadka deegaanka oo u badan dad reer guuraa ah ayaa sababtay in aan si rasmi ah loo ogeyn tirada daka xanuunka u geeriyooday iyo waliba agabka caafimaad ee lagu baaro xanuunka oo aad ugu yar deegaan hase yeeshee maamulka caafimaadka ee deegaanka aya asheegay in ilaa 38 qof ay xanuunka u geeriyoodeen.

About Author