Post View....

Kenya oo qiratay Guuldaro ay kala kulanto Somaliya (Wax badan ka Ogoow Kiiska Badda)

0
118

Dowladda Kenya ayaa gabi ahaanba aanan ka qeyb gali doonin dacwadda muranka xuduud-badeedka caalamiga ah ee kala dhaxeysa dalkeena Soomaaliya iyadoosi weyn uga careysan in lasoo diiday dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda.

Warbixin uu qoray Wargeyska Ugu afka dheer Kenya ee Daily Nation ayaa lagu sheegay in la arkay Dukumiintiyo muujinaya in Kenya ka baxday dacwadda maadaama laga so diiday dalabkeedii dib udhigida dhagaysiga ICJ taas oo ay Nairobi ku sababeysay cudurka faafa ee Corona virus.

Inkastoo Wargeysku uu sheegay in talaabadan ay tahay mid geesinimo leh oo ay dowladiisa Kenya qaaday hadana wuxuu sheegay in Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay Holand ay kiiskan dhagaysan doonto Isniinta beri ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in Xariirka Somalia iyo Kenya uu sii xumaanayay sanadihii dambe, waxaana uu calaamad weyn dul saaray sida ay ICJ ay goaan kama dambeys ah uga gaari karto dacwada hadii ay Somalia kaliya ka qeyb gasho.

Arimaha kale ee uu Wargeysku sheekadiisa ku sheegay waxaa ku jira in arintan ay keeni karto jahwareer diblumaasiyadeed, maxkamaduna ku adkaan doonto iney xukun sameyso kaas oo hal dhinac noqon kara, wuxuu kaloo tilmaamay in Kenya ay haatan saameyn ku leedahay QM maadaama ay xubin ka tahay golaha aan joogtada aheyn ee QM oo ay ugu fadhiso kurisga geeska Afrika.

Wargeyskan oo ay ka muuqato caadifad iyo Somalia naceyb una hiilinaya dalkiisa ayaa Qeybta dhexe ee Sheekadiisa kaga hadlay Sheegashada lahaanshaha dhulal-badeedkan labada dal.

Wuxuuna yiri “Soomaaliya oo ay dagaaladu halakeeyeen ayaa argagax galisay gobolka oo dhan sanadkii 2014 markii ay dacwad u gudbisay maxkamada ICJ iyadoo ku andacoonayso lahaanshaha dhul inta ugu badan ee hada loo aqoonsan yahay biyaha Kenya ee Badweynta Hindiya ah, Kenya waxay si adag u difaacday madaxbanaanideeda dhuleed waxayna meesha ka saartay doodaha hadii la ilaaliyo ay sababi karaan waxyeelo dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ka dhasha xeebta.

Wargeysku wuxuu leeyahay, Maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadihii la soo dhaafay qaaday talaabo ka sii daran oo ku wajahan dowladda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha. Nairobi ayaa dhowr jeer beenisay eedeymahaas.

Sidoo kale, Wargeysku wuxuu sheegay in Garyaqaanka guud ee Kenya Kihara Kariuki uu go’aanka dowladiisa u gudbiyay ICJ – sidoo kale loo yaqaan maxkamada aduunka – bishan Maarso 11-keedii, maalmo un ka hor inta aan la qaban dhageysiga afka oo bilaaban doona 15-ka bishan Maarso isla markaana socon doona ilaa 24-ka Maarso.

“Kenya waxay jeceshahay inay ku wargaliso maxkamada, iyadoo u sii marineysa Diiwaan-hayaha, inaysan ka qeyb galeynin dhageysiga kiiska halkaan ku xusan, hadii ay u socoto si isku mid ah laga bilaabo Maarso 15, 2021 sida hada loo qorsheeyay,” warqada uu soo saaray Xeer ilaaliyaha guud Kenya ayaa sidaas lagu yiri

Go’aanka Kenya ee ah inaysan ka qeyb galin dacwadaha dheeri ah ee kiiskan, warqada loo gudbiyay maxkamada, ayaa waxaa dhaliyay waxa ay Nairobi u aragto eexasho maxkamada iyo go’aanka garsoorayaasha ee ah inay horay u sii wadaan dhageysiga afka ah inkastoo Kenya ay codsatay in dib loo dhigo si loo ogolaado kooxdeeda qareenada cusub si ay u ogaadaan arinta.

Wargeysku wuxuu sheegay in cudurka faafa ee loo yaqaan ‘Covid-19’ uu ka dhigan yahay in Kenya aysan awoodin inay si ku filan isu diyaariso maadaama ay ku dhacday “waqtigii ay Kenya qortey koox sharciyeed cusub”.

“Cawaaqib xumada ka dhalan karta arintaan ayaa ah in Kenya iyo kooxdeeda sharciga loo diiday fursad ay ku yeeshaan kulamo u diyaargarow ah iyo waxqabadyo,” ayuu Mr Kariuki ku sheegay warqada, oo loo gudbiyay maxkamada iyadoo loo sii marayo diiwaan hayaha, Philippe Gautier.

Hadaba, Waa maxay Qareenada Kenya badashay

Kenya ayaa shaqadii uga joojisay kooxdeeda sharciga sanadkii 2019-kii sababo la xiriira shaki ay ka qabtay tayada wakiilnimada waxayna qortay qareeno cusub bishii Diseembar isla sanadkaas.

Kooxda cusub waxaa hogaaminaya Pro. Mareykan ah Sean D Murphy iyo garsoore hore ee maxkamada caalamiga ah ee sharciga badaha, Tullio Treves. Xubnaha kale ee kooxda waa Pro. Phoebe Okowa – oo ah xubinta kaliya ee Kenyanka ah ee kooxdasa laakiin fadhigeedu yahay UK – Kenya  waxay kaloo kiraysatay Coalter Lathrop oo arimaha badaha ku taqasusay si ay kooxda uga caawiso falanqaynta juqraafiyeed iyo xirfadaha sawir gacmeedka.

Laakiin Xukuumadda Nairobi ayaa ku andacooneysa in dhibaato dhaqaale ay haysato sababo la xariira Cudurka safmarka ah ee Covid19 kaas oo hakiyay qorshihii Kenya ku diyaar garoobeysay.

Kenya ayaa sidoo kale ka mudaaharaaday go, aanki maxkamada ay qaadatay ee dhagaysiga dacwada ah, waxaana qareenka Kenya Mr Kariuki uu sheegay in tani aysan aheyn xaalad haboon.

In kasta oo ay Kenya u aragto walaac sax ah, haddana dowladda waxay sheegaysaa in maxkamaddu diiday inay tixgeliso codsigeeda ah inay dib u dhigto dhagaysiga, kuna qasbayso inay ka laabato, taasoo ah “mid aan horay loogu arag taariikhda la xiriirta qaab kasta oo xukun caalami ah”, ayuu qoray Garyaqaanka Guud Kenya

“Maadaama kiisku uusan aheyn mid deg deg ah sabab kasta ha noqotee, Kenya ugu yaraan waxay filaysay in maxkamaddu ay tan ka dhigeyso kiiskii ugu horreeyay ee lagu dhagaysto mudnaantiisa iyada oo loo marayo xiriiriyaha fiidiyowga, in kasta oo dhinac ka mid ah uu si joogto ah u diiddan yahay,” ayay tiri Kenya oo qiratay in dhanka Somalia diiday dib udhac walba oo arintan ku yimaada,

Xiriirka maxkamada ayaa sidoo kale sheegaya in sii socoshada kaqeybgalka garsooraha maxkamada ICJ, Abdulqawi Ahmed Yusuf, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo dhowaan sidaan oo kale bishii Febraayo uu ahaa madaxweynaha maxkamada, aysan dhiirigalin doonin kalsoonida dhex dhexaadnimada maxkamada. Yusuf waxaa badalay Joan E Donoghue oo Mareykan ah madaxweynaha ICJ bishii Febraayo laakiin wali waa garsooraha maxkamada.

“Walaaca Kenya iyo aragtida ay ka qabto cadaalad darada arintan waxaa uga sii daray diidmada aan la fahmi karin ee diidmada hordhaca ah ee Kenya ee maxkamada maxkamada iyo laalay codsigii dib u celinta garsooraha Abdulqawi Ahmed Yusuf, iyadoo la tixgelinayo soo bandhigidiisii hore, isagoo matalaya Soomaaliya. , arrimaha ku saabsan kiiskan. Tani inkasta oo ay Kenya qaadatay talaabooyin baaxad leh oo tusaale u ah iimaankeeda wanaagsan iyo sida ay ugu adagtahay difaaca kiiskan, oo ay kujirto iyadoo ku xareysay dacwado waqtiyada maxkamadu amartay, ”ayaa lagu yiri Qoraalka loo diray ICJ.

Nairobi waxay 16-kii Nofeembar, 2017, dooneysay in garsoore Yuusuf laga xayuubiyo xilkan sababo la xariira muranka xadka badda. Codsiga, Kenya waxay xustay in garsoorahan uu matalayo Somalia,

Hadaba, Maxkamadda ICJ miyay usoo jawaabtay Kenya.

Dowladu waxay warqada cusub ku xustay inaysan waligood jawaab ka helin dalabkii ahaa in Awooda laga qaado garsooraha Somalia

Sidoo kale Markii ay la socodsiineysay go’aankeeda ah inay ka laabato dacwadaha, Kenya waxay bedelkeeda ka codsatay maxkamadda inay u oggolaato Garyaqaanka Guud inuu la hadlo muddo 30 daqiiqo ah berri oo ah 15-ka Maarso ka hor inta aan la bilaabin dhageysiga la qorsheeyay, si maxkamadda loogu sharraxo waxa ay Kenya dareemeyso iyo sidoo kale sababta aysan dacwada uga qeyb galeyn

Sida ku xusan jadwalka dhageysiga ee ay daabacday maxkamaddu markay ahayd 9-kii Maarso, Soomaaliya waxay ahayd inay ugu horeysodhagaysidga iyadoo doodeeda soo bandhigeysa Isniinta iyo Talaadada. Kenya ayaa markaa loo ballamay inay kiiskeeda sheegto Khamiista iyo Jimcaha. Soomaaliya ayaa marka hore mar labaad aadi doonta Isniinta, 22-ka Maarso wareegga labaad ee dhageysiyada iyo Kenya oo la soo gabagabeyn doono 24-ka Maarso.

Kenya waxay sidoo kale gudbisay warqadeeda mowqifka, oo ah dukumiinti aad u tiro badan oo ka kooban ilaa 180 bog, “si ay u tixgeliyaan garsoorayaasha xitaa iyadoo dhageysigu socdo iyada oo Kenya aysan ka qeyb galin”.

Wargeyska waxaa uu qeybtan kaga hadlay Iney jiri karto qaab dhaqan gelin ah oo kiiskan   ku saabsan

ICJ waxaa ka maqan nidaam dhaqan galineed oo ay ku gaarto go’aanadeeda waxayna ku tiirsan tahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay si ay u fuliso xukunada. Kenya waxay biloowday muddo labo sano ah oo xubin ka ah Golahdsa bishii Janaayo ee sanadkan. Waa Golaha Amniga ee horgeyn doono fulinta go’aanka ICJ ee ku saabsan arrinta. Kenya sidoo kale waa gudoomiyaha hada ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC), iyadoo laga yaabo inay saameyn kaga yeelato arintan

Laakiin marka ay halkaas mareyso, Kenya waxaa qorshaheedu ugu weyn yahay iney sii dagaalanto oo aysan aqbalin goaanka maxkamadda hadii badda loo xukmiyo Somalia.

Dagaalka loogu jiro 62,000-mayl laba jibaaran oo saddex-geesle ah oo Badweynta Hindiya ah, oo la rumeysan yahay inuu hodan ku yahay hydrocarbons, wuxuu billowday bishii Ogosto 2014 markii ay Soomaaliya u guurtay maxkamadda ICJ iyadoo ku andacoonaysa in Kenya ay ku xad gudubtay madaxbannaanideeda dhuleed ayna tahay inay bixiso magdhaw.

Kenya waxay gudbisay diidmo hordhac ah bishii Oktoobar 2015 taas oo ay su’aal gelisay awooda ICJ ee arimahan iyadoo la ogyahay inuu jiro heshiis isfaham oo Kenya iyo Soomaaliya 2009 ah oo lagu xallinayo muranka badda ee maxkamadda ka baxsan. Kenya waxay sidoo kale su’aal gelisay in la aqbali karo kiiska Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda ayaa 2-dii Febaraayo, 2017, diiday diidmada hordhaca ah ee Kenya, iyadoo wadada u xaartay dhagaysiga dacwadda.

Dhageysiyada ayaa loo qorsheeyay inay bilowdaan  June 8, 2020 laakiin waxaa dib loogu dhigay March 2021 “iyadoo la tixgelinayo codsi kaga yimid Kenya oo ku saabsanaa duruufaha gaarka ah ee la xiriira Cudurka faafa ee Covid-19”.

”Kahor go’aanka ka noqoshada dacwadaha, Kenya waxay 22kii Febraayo soo gudbisay cadeymo cusub, oo ay ku jiraan 315 bog oo la soo gudbiyay oo sharaxaya nooca iyo ku xirnaanshaha cadeymo cusub iyo dheeraad ah, iyo dukumiintiyo cusub iyo lifaaqyo ay ka mid yihiin khariidado iyo jaantusyo, iyo kuwo kale. Xeer ilaaliyaha guud wuxuu kaloo codsaday in dib loo dhigo”ayuu leeyahay Wargeyskan.

Wargeyska ayaa qeybihiisa dambe ee Sheekada kaga hadlay iney jiraan Dalal kale oo ku lug leh Xiisadda labada dal.

Wargeysku wuxuu sheegay in Kenya ay taageero ka haysato France iyo Mareykanka, Wuxuu sheegay in Xukuumadda Washintong ay mar walba garab siiso Nairobi, halka Paris ay shirkadeeda diyaar uyihiin iney soo saaraan qeyraadka ku jira badan hadii Kenya loo xukmiyo.

Wuxuu kaloo sheegay Wargeku in dowladda Norway ay ka mid ahayd shirkadihii u tartamay shirkii shidaalka iyo gaaska ee Soomaaliya ee London ka dhacay Febraayo 2019. Shirka waxaa soo qabanqaabiyey Spectrum Geo Ltd, oo ah shirkad ka shaqeysa soo saarista xogta dhul gariirka ee fadhigeedu yahay Norway, lana shaqeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Labada dal ee Somalia iyo Kenya ayaan wax xariir ah laheyn sababtoo ah Safiiradii ayay kala qaateen.

Somalia ayaa hadda rajo weyn u leh iney ku guuleysato dacwada, waana tan keentay in Xukuumadda Naiorbi ay isaga baxdo, laakiin suaasha taal ayaa ag sidee ayuu Xukunku u dhici doonaa.

 

About Author