
War xalay ka soo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika, ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashii Janan oo maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.
Hay’adda Amnesty International waxay sheegtay in xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay gobolka Gedo loona baahan yahay in sharciga la marsiiyo.
“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay [Janan] inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaartay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Amnesty International
Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo dhaweeyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan).
Cabdirashiid janan ayaa Wasiiro ka tirsan Xukuukadda xilgaarsiinta waxaa ay kasoo gelbiyeen degaanka Najax ee Duleedka degmada Beled-Xaawo, waxaana la socda Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo farabadan.
Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada ayaa soo dhaweeyay, iyada oo la geeyay Xarunta Maamulka degmada Beled-Xaawo.