Markab lagu magacaabo Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha ku sii jeeday Rotterdam, Netherlands, ayaa ku cadilmay qoorriga Suez isaga oo doonayey inuu galo badda Mediterranean.

Markabkan oo ka diiwaangashan Panama, isla markaana sida xamuul dhan 200,000 tan, ayaa Salaasadii fadhiistay meel u muhiim u ah marinka Suez, waxaana hakaday isu socodka marinkaas xajmiga Ever Given awgii.

Xukuumadda Masar ayaa dib u hawgelisay marin qadiimi ah oo ku yaal Suez si ah u kala yareyso saxmadda maraakiibta.
Shilkan ka dhacay Suez-ka ayaa saameeyn muuqata ku yeeshay suuqyada shidaalka caalamka oo durbadiiba sare u kacay boqolkiiba 4.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in maraakiib ka badan 30 ay u xanniban yihiin markabka jaray marinka Suez.