Post View....

Farmaajo oo lagu cadaadinayo inuu iscasilo kadib markii lagu helay fadeexooyin waaweyn

0
156

Waxaa sii kordhaya cadaadiska weyn ee lagu hayo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo kaa oo lagu eedeeyay inuusan diyaar u aheyn inuu la fariisto dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka si xal looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo laga rabay inuu qaato doorka ugu fiican ee isku keenidda qeybaha kala duwan ee bulshada mucaarad iyo muxaafad ayaa midaas ku guul dareestay isaga oo maalin walba ka shaqeynaya inuu abuuro marxalad cusub iyo khilaaf hor leh.

Cadaadiska ugu weyn waxa uu madaxweynaha ugu imaanaya Wakiilada, Safiirada, iyo dowladaha xiriirka dhaw la leh Soomaaliya iyada oo ay xusid mudan tahay in madaxweynaha uu helayo wicitaano toos sida aan xogo ku helnay kuwaa oo  uga imaanaya safiiro iyo madax sare  sare oo ka kala tirsan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale dacwad ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo kadib markii uu caburiyay 19-Feb Banaabax ay qorsheeyeen midowga Musharaxiinta oo rasaas nool nool ay ku fureen ciidan uu adeegsaday madaxweynaha kuwaa oo sidoo kale weeraray madaxweynayshi hore ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu heystaa sababta ay dowladiisa ula heshiisay Cabdirashiid Janan  oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland kaa oo ku eedeysan dambiyo ka dhan ah Bini’aadanimada iyo xasuuqa dad shacab ah waxaana uu ka baxsaday gacanta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hay’adda Amnisty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay iney cadaaladda marsiiso Cabdirashiid Janan kaa oo hadda gacanteeda uu ku jio si ay cadaalad u helaan dadka dhibanayaasha u ah.

Cabdirashiid Janan oo la dagaalsanaa dowladda Federalka ayaa shalay isa soo dhiibay isagoo wata inkabadan 400 oo ciidan iyo gawaarida dagaalka waxaana uu ku biiriyay ciidanka dowladda ay ku daabushay gobalka Gedo.

Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xasarad ka abuurayo deegaano nabdoon oo katirsan Puntland halkaa oo Banaabax lagu taageerayo ay ka qorsheneyso iyadoo shalay degmada Dhahar uu ka dhacay Banaabax ay soo abaabushay dowladda Federalka oo looga soo horjeedo madaxweyne Deni iyo Madasha Badbaado Qaran.

“ Waxaan rabnaa Farmaajo ma dooneyno Dani” ayey ku dhawaaqayeen Dibadbaxayaasha.

Sidoo kale Farmaajo ayaa loo arkaa inuu xasarad ka abuurayo Geeska Afrika iyada oo dagaal Dibloomaasiyadeed uu kula jiro dowladda Kenya halkaa oo ciidamo uu Xamar ka qaaday ku daabulay.

Sidoo kale waxaa dunida oo dhan isha ku heysaa ismarin waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyaga oo ka cabsi qaba in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday inuu Soomaaliya u horseedo dagaal sokeeyo xili 30 sano kabadan ay ka soo kaban la’dahay Soomaaliya burburkii gaaray.

Shirka ka scoda Afisiyooni ayuu ku guul dareestay inuu isku keeno madaxda maamamul Goboleedyada, maanta waxey Beesha Caalamka ku shirineysaa Xalane dhamaan madaxda maamulada dalka oo Farmaajo ka maqanyahay maadama uu la shirayay maalamahn oo dhan kuwa isaga taabacsan.

Ilo xog ogaal ayaa Badweytims u sheegay in Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho, taa badalkeedana uu ka jecelyahay inuu dagaal sokeeye ka dhaco, Farmaajo ayaa horay u sheegay inuu heysto ciidan iyo lacag ku filan oo uu ku dagaalami karo, waxaana dhowr jeer ka fashilmay qorshooyin ka dhan ah midowga musharaxiinta oo madaxweynayaashii hore ugu horeeyaan.

By: Abdiaziz Loyal

 

About Author