Waxaa saakay garoonka diyaardaha ee Muqdisho ka duulay guddiga dowladda federaalka ay u xil saartay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaana guddigan horkacayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Wafdigan ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Hague ee dalka Netherlands halkaas 15-ka bishan ay ka bilaabaneyso dhageysiga dacwadda badda.

Kenya ayaa bishii hore laga diiday codsi ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda, iyadoo soo bandhigtay sababo uu ka mid yahay cudurka Covid-19.