Post View....

Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu laayay Al-Shabaab

0
93

Muqdisho:- Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay ku dileen maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaanka.

Howlgalka ayay ciidanka si gaar ah kaga fuliyeen deegaanka Baloow oo ku teedsan wabiga Shabeelle,waxaana howlgalkaas lagu khaarijiyay 11-horjoogeyaal iyo maleeshiyo isugu jira, sidoo kale, waxay ciidanka halkaas ku dhaawaceen 9-kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa SNA Radio u sheegay in ay sidoo kale ciidanka xoogga dalka bur buriyeen goobo gambaad ay ka dhiganayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Generaal Odawaa ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay ka dib markii ciidanka ay ka war heleen in ay argagixisada ku dhuumaaleysanayaan deegaanka Baloow ee gobolka Shabeellaha.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa inta badan gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka ka wada howlgalo lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

About Author