Post View....

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo ka dhacay dalka Equatorial Guinea.

0
84

Muqdisho:- Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 420 kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo culus oo galabtii Axada gilgilay magaalada Bata ee dalka Equatorial Guinea .

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegtay in qasaaruhu badan karo maadaama ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah

Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay baaruud halis ah oo la dayacay taas oo taalay xero ciidan oo magaalada ku taalay

Qaraxyada oo cuslaa ayaa geystay bur bur xoog leh oo gaaray guryaha ku yaalay aaga xerada ciidamada.

Isbitaalada magaalada Bata ayaa buuxsamay waxaana soconaya gurmad xoog leh

About Author